Komishanka Tamarta oo la Kulmay Shirkaddaha Bixiya Adeegga Laydhka

0
118

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha   Komishanka Tamarta Somaliland Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed ayaa  Xafiiskiisa Ku qaabilay Shirkadaha adeega Korontada bixiya.

Kulanka guddoomiyaha iyo masuuliyiinta bixiya adeegga laydhka, waxa goob joog ka ahaa   guddoomiye ku xigeenka Komishanka Tamarta JSL Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar iyo agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta  Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadlay   wada shaqaynta iyo xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya Komishanka iyo Shirkadaha bixiya adeega Laydhka