Dhul Gariirkii ugu Dhimashada Badnaa Muddo 13 Sano ah oo ka Dhacay Dalka Shiinaha

0
182

sano ah. Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.2 ayaa ku dhuftay gobolka buuraleyda ah ee Gansu saqdii dhexe ee xalay isniinta, isagoo sidoo kale ruxay gobolka deriska ah ee Qinghai.

Dhimashada ayaa laga yaabaa inay sare u kacdo iyadoo in ka badan 700 la sheegay inay ku dhaawacmeen xilli uu jiro qabow daran oo baraf ah.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku amray kumanaan shaqaale samatabbixin ah in ay gaaraan gobolka, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan ee Shiinaha.

Talaadadii, muuqaalo laga soo bandhigay TV-ga dowladda iyo shabakadaha bulshadu ku xidhiidho ayaa muujinayay dhammaan tuulooyinka uu dhulgariirka ka dillaacay, iyo sidoo kale dhismayaal iyo guryo dumay.