Falastiiniyiin ku Go’doonsan Kaniisadda ku Taal Qasa

0
162

Dadka rayidka ah ee ku go’doonsan kaniisad ku taal magaalada Qasa ayaa ku nool dareen cabsi ah sida uu sheegay qof qaraabo la ah dadka halkaasi ku godoonsan. Fifi Saba, oo walaasheed ay ku xayiran tahay gudaha Kaniisadda ayaa sheegtay in dadku ay ka cabsanayaan in ay bannaanka u soo baxaan,sababa la xariir in la toogto.

Labo dumar ah ayaa lagu dilay banaanka kaniisada kadib markii ay toogteen kuwa wax shiisha maalintii sabtidii, sida uu sheegay Baadariga kanisada Quddus.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan dhacdada. Saba, oo ka soo jeedda Qasa, balse ku nool Mareykanka, ayaa u sheegtay BBC-da in ay ka welwelsan tahay walaasheed, iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo kala ah 9 iyo 12 jir ah, kuwaas oo dhammaan halkaas ku xayiran.

Waxay sheegtay inay warkooda ka helayso xubin qoyska ka tirsan oo awoodda in maalintii uu hal mar la hadlo. “Runtii waa ay go’doonsan yihiin, ma arki karaan bannaanka, adduunka war kama hayaan mana heli karaan telefoon, ama internetka,” ayay tir Saba oo BBC-da la hadashay.

Walaasheed ayay sheegtay in marka ay la hadasho dadka ay waydiiso wararka ku saabsan dagaalka iyo waxa ka dhacay adduunka ayada oo maqali karta bambooyinka dusheeda ka dhacay oo kali ah.

“Waxaan ogaaday in walaashay horteeda lagu dilay labo haween ah oo isku dayay in ay ka baxaan kaniisadda”. Cuntada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ayay sheegtay inay gabaabis yihiin oo aan la heli karin maaddaama ay go’doonsan yihiin.

Sabtidii, mid ka mid ah baadariyada kaniisadda ayaa sheegay in laba dumar ah oo Masiixiyiin ah oo lagu kala magacaabi jiray Nahida iyo gabadheeda Samar la toogtay iyaga oo u socda dhismo ku dhaw kaniisadda.

Taangiyada Israa’iil ayaa sidoo kale lagu eedayay ay rasaas ku fureen qayb ka mid ah dhismaha kaniisadda oo ay ku jireen 54 qof oo naafo ah.

Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF), oo ka jawaabaya warqadda kaniisaddaa ay u dirtay ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin la xariir waxyeellada goobaha xasaasiga ah iyo dadka rayidka ah .

BBC-da waxay la tidhiay ciidanka difaaca Israa’iil si ay wax uga waydiiso eedeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan toogashada aan loo meel dayin ee dadka shacabka ah.

Inkasta oo aanay caddeyna sababta loo beegsaday kaniisadda, balse Saba ayaa sheegtay in ciidanka Israa’iil ay rumaysnayn yihiin in dagaalyahannada Xamaas ay gudaha ku jiraan, wallow Saba walaasheed aanay Xamaas gudaha ku jirta.

“Waxaan aragnay 72-kii maalmood ee la soo dhaafay sida isbitaallada, iskuullada, maktabadaha iyo suuqyada loo beegsanayo” ayay yidhi.

Layla Moran, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka UK, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegtay in xubno ka tirsan qoyskeeda, oo Falastiiniyiin ah, ay ku xayiran yihiin kaniisadda, kuwaas oo magangalyo u raadsaday ka dib markii gurigooda la duqeeyay todobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka.

“Hadda ma hubo inay sii noolaan doonaan ilaa Christmas-ka,” ayay yidhi, iyadoo raacisay inaanay hadda helin cunto iyo biyo.

Xubnaha qoyska Layla Moran,ayaa sheegay in askartu ay gudaha u galeen dhismaha kaniisadda 24-kii saac ee la soo dhaafay ayna la wareegeen qol ka mid ah dhismaha

Qoyska ayaa sidoo kale BBC-da u soo diray sawir ay muujinaya laba mayd oo yaal bannaanka ka ah dhismaha kaniisadda.

Moran ayaa sheegtay in aanay jirin wax sharraxaad ah oo ku saabsan sababta ay askarta Israa’iil u bartilmaameedsan karaan kaniisadda,oo dad shacab ah ay ka dhigteen hoy.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay marinka Qasa ka waddo howlgalo militari oo ay ku ciribtirayso Xamaas ayna ku soo badbaadinayso la haystayaal ay kooxdu ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Milateriga Israa’iil ayaa marar badan ayay sheegay in aanay bartilmaameedsanin dadka rayidka ah.

Wasaaradda caafimaadka Xamaas ee maamusho marinka Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 18,700 oo qof ay ku dhinteen halkaas, 50,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalka billowday.