Muran Dhuleed u Dhexeeyay Beelaha Wada Dega Gobolka Selel oo la soo Af-jaray

0
107

Xariirrad (Dawan): Guddoomiyeyaasha goboladda Awdal, iyo Selel, iyo madax dhaqameedka labadaa gobol ayaa ku guulaystay in ay soo af-jaraan khilaaf beelo walaalo ah hore u dhexmaray.

 

 

Ergo nabadeed oo ay hogaaminayeen badhasaabka gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, iyo guddoomiyaha gobolka Selel, Mawliid Maxamed Nuur, ayaa shalay heshiis ka gaadhay khilaaf beeleed ka taagnaa degmadda Xarriirad, ee gobolka Selel.

 

 

Madax dhaqameedka beelaha wada dega Selel, waxay aqbaleen wejiga koowaad ee ergadda nabadda oo ay hor kacayeen badhasaabyada labadaa gobol. Waxanay isla qaateen cuqaasha, odayaasha, madax dhaqameedka, iyo waxgaradka labadda beelood in ay nabad-geliyadoodda wada ilaashadaan.

 

 

 

Waxaanay madax dhaqameedka labada beelood iska Laab xaadheen hadaladii Xanafta lahaa ee ay maalmihii ina dhaafay warbaahinta isku mariyeen.

 

 

Madal balaadhan oo lagu shaacinayay aqbalaadda ergada nabadda ee madax dhaqameedka deegaankaasi muranku dhex maray ayaa si buuxda u shaaciyay in ay aqbaleen mabada, isla markaana aanay jiri doonin wax hadalo xanaf leh oo ay warbaahinta isku mariyaan.

 

 

Waxaana madashaasi ka soo qayb galay badhasaabyadda goboladda Awdal, iyo Selel, maayarka degmadda Xariirrad, talieyaasha ciidamadda Milateriga, iyo booliska ee gobolka Selel, iyo sidoo kale madax dhaqameedka beelaha wada dega gobolka Selel.

 

 

Iyadoo na halkaa lagu shaaciyay in is af-garad buuxa laga gaadhay khilaafkii maalmahan ka taagnaa degaanka Xarriirad, isla markaana la iskula qaatay in la joojiyo hadaladii xanafta lahaa ee ay maalmahan madax dhaqameedka labada beelood warbaahinta isku marinayeen.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Xasan Daahir Xadi, oo halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay aqbalaadda nabada ee madax dhaqameedka gobolka Selel, wada dega maalmahan ka dhex taagnayd.

 

Badhasaabka ayaa fariin u diray dadka qurbe jooga ah oo uu ku eedeeyay in ay hurinayeen colaad ka dhex dhacda bulshadda wada degta gobolkaasi.

 

Waxaanu yidhi “Dalkani waa xor, Somaliland ayaana la yidhaahdaa. Nabad ayaanu ku caano maalnay. Dad, iyo dal barwaaqo ah ayaanu haysanaa. Goboladda Awdal, iyo Selel na, waa nabad”.

 

 

Sidoo kale badhasaabka gobolka Selel, Mawliid Maxamed Nuur, ayaa isna soo dhaweeyay nabada ay qaateen odayaasha labada beelood, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in maalin walba waxyaabo aan qiimo lahayn laga dhigo dhiillo xun.

 

 

Badhasaabka ayaa dadka walaalaha ah ee deegaanka Selel, uga mahad celiyay sida ay nabadda u qaateen. “Haddii maalin walba qofka hadla la yidhaahdo meel baa gubanaysa, waxay inagu tahay arrin aad u adag, oo dadka deegaanka na wada damaqda.

 

Dadakan walaalaha ah na waxaanu leenahay, sida aad nabadda u qaadateen, waad ku mahadsan tihiin” ayuu yidhi Mawliid Maxamed Nuur.

 

 

Dhinaca kale xubno ka mid ahaa madax dhaqameedka labafa beelood ayaa sheegay in ay si buuxda u qaateen nabada-geliyada, isla markaana aan waxba la iskugu raacin hadaladii hore warbaahinta la iskugu mariyay.

 

 

Waxaanay yidhaahdeen “Hadaan nahay reer Xarriirad, nabadaa aynu balan qaadnay aynu ilaalino. Mar danbe na hadalo Deel qaaf ah, ayaan la is waydaarsanin.

Nabad ayaanu qaadanay. Nabadda ayaana lagu noolaadaa. Nabadda ayaa dhaxal leh, Colaadu dhaxal ma leh. Dhulka dawladda ayaa ka masuul ah, dawlada na annaga ayaa u baahan”.

 

 

 

“Nin wallow ba Xajiintii ku gaadhay liq, raali na ka ahow.Haddii aanu nahay odayaasha labadda gobol, wixii dhacay raali kama nihin. Nabadda ayaanu raali ka nahay”.

 

“Anagoo ah madax dhaqameedkii, odayaashii, iyo waxgaradkii labadda gobol ee Awdal, iyo Selel, oo arrintani ay si weyn noogala hawl galeen… waxaanu maanta balan qaadaynaa in hadaladii hore aanay ma danbe soo noqon”.