Madaxweynaha JSL oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Dhiggiisa Dalka Masar

0
140

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hanbalyo ah u diray madaxweynaha dalka Masar oo mar kale dadweynihiisu dib u doorteen,  Mudane Cabdifataax   Al-Siisi.

Dhambaalka hanbalyada ah ee madaxweynaha Somaliland shalay u diray madaxweynaha Masar ayaa u dhigana sidan.

Mudane Madaxwweyne waxa farxad weyn ii ah, Mudane,  anigoo ku hadlaya magaca shacbiga iyo ka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, in aan adiga iyo shacbi weynaha Masarba kuugu hambalyeeyo doorashada laguu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, waxaan kuu rejaynayaa guul si aad u gaadho himiladaada iyo himilada shacabka aanu  walaalaha nahay  ee Masar, una gaadhaan horumar iyo barwaaqo dheeraad ah.

Mudane Madaxweyne, Masar waa halbawlaha ummadaha Carabta iyo Islaamka, xasiloonida Masarna waa maslaxadda lagama maarmaanka u ah xasiloonida gobolka oo dhan.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabnaa in Masar ay ku soo laaban doonto kaalinteeda si ay u gudato doorkeeda hormuudnimo ee Carabta, Islaamka iyo Afrika iyo dhammaan goleyaasha caalamiga ah.

Mudane Madaxweyne xidhiidhka innaga dhexeeya Masar iyo shacabka Masar waa mid soo jireen ah, waxaanan ku kalsoonahay in xidhiidhkeenu uu noqon doono mid xidida-siiya oo hir-geliya  waaga cusub ee soo ifaya, waxaan ILAAHAY ka rejaynayaa inuu ku garab galo guushiisa oo ku hanuuniyo wanaag iyo xaqa Masar iyo ummadda Carabta.

Mudane, waxaan ka baryayaa Alle SWT inuu ku waafajiyo tallaabooyinkaaga oo uu kuu fududeeyo dedaalkaaga ku aaddan dhammaystirka geeddi-socodka horumarka, dib-u-dhiska  iyo barwaaqo si loo gaadho heer qaran.”