Wasiirka Warfaafinta oo go’aamiyay in Muusiga warka idaacadda lagu soo Celiyo kii Hore

0
98

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka  Wasaarada  Warfaafinta  Dhaqanka iyo  Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) ayaa  go’aamiyay  in muusiga warka idaacadda Radyaw Hargeysa lagu soo celiyo kii hore ee uu sameeyay Abwaan Basbaas,

War-saxaafadeed uu soo saaray shalay  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo  Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed ayaa waxa lagu sheegay in  Muusiga  warka idaacadda Radyaw Hargeysa uu ahaa   hanti dhaxal ah oo ummadda reer Somaliland leedahay.

Waxaana  uu u dhignaa  Sidan Warsaxaafadeedka  uu  soo saaray  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

“Ujeeddo: soo celinta Muusigii hore ee furitaanka Warka.

Mudaneyaal, Aniga oo ka duulaya qorshaha ah in aynu samayno dib u habaynta barnaamijyada iyo tayeynta wararka ka baxa Idaacadda Radio Hargeysa, isla markaana tixgelinaya taladii ay agaasimayaasha iyo khubarada warbaahinta ee wasaaraddu ay isiiyeen, waxa aan go’aamiyay in laga bilaabo taariikhda 20\12\2023 in muusiga warka idaacadda Radio Hargeysa lagu soo celiyo kii hore ee uu sameeyay Abwaan Basbaas, kaas oo hore looga bedelay. Muusigaasi waxa uu ahaa hanti dhaxal ah oo ummadda reer Somaliland leedahay.

Sidaasi daraadeed waxa la idinku adkaynayaa in aad muusiga warka ku soo celisaan muusigaas hore.

Sidaa iyo wada shaqayn wacan

Allaa Mahad leh.”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaganka & Wacyigelinta, Ahna Af-hayeenka Xukuumadda
Cali Xassan Maxamed.