Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiga Maxamuud Axmed Cali

0
114

Hargetsa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa kormeeray dugsiga sare Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Hargaysa.

 

Kormeerka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah  Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo guddoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa mid mid u galay fasalada dugsiga, wuxuuna halkaa kala hadlay ardayda iyagu dhigta dugsiga, isagoo ku dheeraaday muhiimada waxbarashada iyo sidii ardaydu ugu dedaali lahaayeen waxbarashada.

 

 

Ugu danbayn Wasiiirka ayaa u mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta dugsiga sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen dugsiga.

 

Wasiir Buuxane  ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda ku jirta fasalada afraad ee imtixaanka u fadhiisanaya, waxaana uu Ilaahay uga baryay in uu ku guuleeyo imtixaanka, hayaankooda waxbarashana ay ka midho dhaliyaan.