Guddida Sare ee Waxbarashada Qaranka oo kulan Yeeshay

0
85

Hargeysa(Dawan):- Guddida Sare ee Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii 22aad, kulankan oo uu Gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed.

Kulanka gudida oo lagaga hadlay qodoboo door ah oo muhiim u ah waxbarashada qaranka,ayaa,markii uu kulankaasi soo dhammaaday waxaa qoraal laga soo saaray wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uu u dhignaa sidan.

 

 

 

 

“Guddida Sare ee Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii 22aad, kulankan oo uu Gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed iyadoo ay badiba xubnaha guddidu ka soo qayb galeen. Waxaa kaloo guddida kulanka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Axmed Adan Buuxane, Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka iyo Gudoomiyayaasha Jaamacadaha Camuud iyo Hargeisa.

Kulanka oo ajandayaasha lagu lafo-guray ay ka mid ahaayeen, dardar gelinta ruqsad bixinta barayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada, iyo fidinta iyo tayaynta dugsiyada Farsamada Gacanta iyo xirfadaha kala duwan ee dalka.

Agaasimaha Waaxda hantida ayaa Guddida la wadaagay tirada barayaasha ee Wasaaradda Waxbarashadu siisay ruqsada macalinimo iyo shuruudaha looga baahan yahan barayaasha dugsiyada si ay u qaataan ruqsada macalinimo iyo ta maamulba.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa xubnaha Guddida la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee khuseeya Waxbarashada Farsamada Gacanta isagoo xusay in mudnaanta ay siin doonan fidinta dugsiyada Farsamada Gacanta.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la helo mustaqbalka dhow aqoonyahano reer Somaliland ah oo aqoon sare u leh Farsamada Gacanta.

Ugu danbay waxaa kulanka soo af-meeray Gudoomiyaha Guddida Prof. Suleiman Ahmed Guled.

Intii kulanku socday waxaa laysla qaatay:

In mudnaanta la siiyo sidii ardayda Somaliland loogu jihayn lahaa barashada Farsamada Gacanta iyo xirfadaha kala duwan, iyadoo xooga la saarrayo fidinta dugsiyada Farsamada Gacanta.”