Wasiirka Biyaha oo Biyo Guure ka Dhagax Dhigay Riig Cusub

0
166

Berbera(Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore,ayaa dhagax dhigay riig biyood cusub oo laga hir gelinayo deegaanka Biyo Guure ee gobolka Saaxil.

Wasiir Saleebaan ayaa ku dheeraaday ahmiyadd Xukuumaddu ay siinayso dhulka xeebaha ah in biyo laga helo.

Waxaanu xusay in ay xeebuhu yihiin dhul uga baah badan deegaanada kale biyaha taasoo ay keenayso cimilada xeebta oo kulayl ah. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“Waa qayb ka mid ah masuuliyaddayada in dadka biyuhu ay gaadhaan, dhulka xeebaha ah ee kulul sida  Berbera iyo inta ugu dhawi waa  meelaha ugu jilicsan ee aanu qofku awoodi Karin in uu hal KM biyo ka doonto,meelaha kale oo dhan qofku inta uu doono ayuu socon karaa,markaa Maanka ayaanu ku haynaa in Berbera iyo dhulja xeebaha ah oo dhami ay dhulka kale uga jilicssan yihiin baahinda biyaha maadaama ay heerkulkoodu uu gaadho dhawr iyo araftan.

Markaa cid kasta oo ceelkan ka soo shaqaysay hadday iga horraysay iyo masuuliyiinta halkan jooga iyo labada waalid ee loo waqfay iyo shirkadda AL-Huda ee hawshiisa soo dhamaysay ba waan u mahad naqayaa,anagana ka Xukuumad ahaan Sharaf ayay noo tahay in dadka reer Biyo Guure ay helaan biyo ku filan oo macaan.”