Guddoomiyaha Ku xigeenka Gobloka Maroodijeex oo u Kuurgalay Xaalada Degaan Beereedka Xaraf

0
116

Hargeysa (Dawan) Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex khaddar Baaruud ayaa kormeer shaqo ku soo Mmray Deegaanka Xaraf, oo hoos yimaada Gobolka Maroodi jeex.

Badhasaab ku xigeenka ayaa kormeerkiisaas shaqo waxaa ku wahelinaayey masuuliyiin ka mid ahaayeen isu-duwaha wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda iyo Guddoomiyaha deegaanka Xaraf iyo masuuliyiin kaleba, kormeerkaas oo masuuliyiintaas ugu kuurgalaayeen xaaladda deegaankaas Xafar ku sugan yahay

Guddoomiyaha Deegaanka Xaraf Cabdi fataax Maxamed ayaa masuuliyiintaas warbixin ka siiyey xaaladda guud deegaankaas ku sugan yahay xiligan oo fican, waxaanu guddoomiyuhu sheegay in kormeerkaas daaran yahay mid dhiirigalinta iyo horumarka Deegaankaas looga shaqeyn lahaa,waxaa kale guddoomiyuhu xusey in Bulshadda ku dhaqan deegaankaas diyar u yihiin wax wado qabsiga iyo Horumarinta Deegaankaaas.

Dhankiisana,Isu- duwaha wasaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimiladda Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Cabdi waxaanu ka waramey in ku howlan yihiin ka wasarad ahaan sidii uga hortagi lahayeen nabad guurka iyo xaalufka ku yimid deegaankaas xaraf horena u ahaan jirey dhul beereed khudarta kala duwan ka soo baxdadeegaankaas Magaaladda Hargeysa loo iiib keeni jirey,waxaanu isu-duwuhu ku wecyigaliyey Bulshadda ku dhaqan Deegaankaas iska kaashadaan Horumarinta iyo Daryeelidda Deegaankaas.

Geesta kalena, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud ayaa ka waramey masharaac hore looga hirgaliyey deegaankaas oo wax lagaga qabanaayey nabad guurka ku yimid dooxa weyn xaraf iyo Deegaankaasiba sidii loo soo celin lahaa mashaariicdaas.

Gabogabadiina,Badhasaab ku xigeenku waxa uu ka dalbadey Masuuliyiinta wasaraddaha Horumarinta Beeraha iyo isbeddelka Cimiladda ka howlgalaan Deegaankaas oo soo foodsaartey xaaluf iyo nabad guurka.