Xeer-Ilaaliyaha Guud oo Kormeeray Xeer-Ilaalinta iyo Maxkamadda Balligubadle

0
117

Baligubadle (Dawan) Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somalialnd Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa shalay soo kormeeray xafiisyada xeer-ilaalinta, Xabsiga dhexe, Saldhiga Ciidanka Booliska iyo Maxkamadda Degmada Balligubadle ee xarunta Gobalka Hawd.

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa waxa uu sheegay in lagu jiro dhamaadkii sannadka oo la soo gabogabaynayo kiisaska dhacay, waxaana uu tilmamay in ay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa ee iskugu xidhnaan la hayeen xafiisyada sharciga ee Maxkamadda Asluubta iyo Booliska,

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada kormeerkiisa.Waxa uu yidhi “Xafiiska xeerilaalinta Gobalka hawd wuu shaqaynayay sida Maxkamadda u shaqaynaysay,waxaana uu ka mid yahay xafiisyada Xeerilaalinta ee Gobalada ee aadka u shaqeeya.waxa aynu ku jirnaa sanadka dhamaadkiisii waa xiligii la gabogabaynayay kiisaska dhaca gobalkana kiisaskiisu aad uma farabadna,markasta oo dambiyadu yaraadaan waxa weeye dadkii oo sharcigii ku toosay dadku way kala badbaadayaan hadii qofku waxa lagu leeyahay iyo waxa qofka ku leeyahay haduu kala garto dadku wuu kala badbaadayaa,waxaana aanu ku dadaali doonaa sidii loo xoojin lahaa xafiisyada sharciga ee Maxkamadda Asluubta iyo Booliska ee hay,adaha sharciga iskugu xidhnaan la haayeen ayaanu ayaanu ku dadaalaynaa