Somaliland oo Tartan Caalami ah kaga Qayb Gelaysa Angola

0
120

Hargeysa(Dawan)Wasiirka  Wasaarada  Dhalinyarada  iyo  Ciyaaraha   Somaliland Cabdirisaaq  Muuse  Faarax   shalay  ayaa sogootiyey wefti ka socda Somaliland oo casuumaad ka helay xidhiidhka Ciyaaraha ee dalka Angola iyo Orodyahano  ka qayb gali doona Tartan Orod  Caalami ah oo dalkaas lagu qabanayo.

Wasiirka  Wasaarada  Dhalinyarada  iyo  Ciyaaraha   Somaliland Cabdirisaaq  Muuse  Faarax ayaa waxa uu sheegay in farxad u tahay in Somaliland ka qaybgasho  tartano Caalamiya.Waxaana  uu yidhi”Farxad wayn ayay ii tahay inaga oo muddo dheer Ictiraaf  raadinaynay  in aynu ka qayb galno  tartano Caalamiya  oo oradka,waxaana aan boogaadinayaa cid kasta oo ka soo shaqaysay  farxad ayaanay ii tahay in hadafkii Xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi iyo barnaamijkii Xisbiga Kulmiye in dunida xidhiidho Caalamiya la   yeelano,”.

Agaasimaha guud  ee  Wasaarada Dhalinyarada iyo  Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid  Yaasiin ayaa waxa uu tilmamamay in Sannadka  2023  ay  qabteen   tartamo  Caalamiya  oo oradka  oo dalal badan oo Caalamka ka soo qayb galeen.Waxaana uu yidhi”Sannadka  2023  waxa aanu qabanay  tartano  Caalamiya  oo oradka  oo dalal badan oo Caalamka ka soo qayb galeen,waxaana aanu u qabanay in   Somaliland hesho fursad ay kaga qayb qasho   tartamo Caalamiya,”.

Sidoo kale  Agaasimaha  guud  ee  Wasaarada  Warfaafinta  dhaqanka  iyo  Wacyigalinta Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa waxa usoo jeediyay  Wasaarada  Ciyaaraha in sii kordhiyaan xidhiidhada Caalamka la yeelanayaan.