Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Ganacsade Samafale Baxsane oo Hargeysa ku Geeriyooday

0
108

Hargayssa (Dawan): ALLE ha u naxariistee waxaa shalay magaaladda Hargaysa ku geeriyooday ALLE SWT ha u naxariistee Marxuum Ganacsade  sama fale Axmed Daahir Cumar (Baxsane).

Marxuum Baxsane, ayaa ka mid ahaa ganacsatadda waaweyn ee caanka ah ee reer Somaliland,waxaanu ku suntanaa sama fale u diran dhanka taakulaynta iyo caawinta dadka jilicsan,madaariista iyo arrimo badan oo khayri ah.

 

Geerida marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane), waxaa ka tacsiyadeedayay madaxda kala duwan ee qaranka ee Somaliland oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, siyaasiyiin kala duwan, madax dhaqameed, iyo ganacsato.

Madaxweynaha Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka.

Sidoo kalena door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, ka na mid ahaa dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha dalka, isagoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha samafalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isna tacsi u diray marxuum ganacsade Baxsane, ayaa ku tilmaamay ganacsade dalka iyo dadkaba soo geliyey tacab aad u badan, isla markaana uu ahaa shakhsi Cibaado badan isla markaana Sama-fale ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCD Eng. Faysal Cali Waraabe, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID iyo ka Hogaanka Sare, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID,  waxaan  tacsi tiiraanyo leh u  dirayaa Dhamaan Qoyska, Qaraabada Ehelada iyo Guud ahaan Ummada reer  Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Ganacsade Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo  magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday.

Sidoo kale musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna dhanbaal tacsi ah u diray marxuum ganacsade Baxsane, waxaanu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay JSL gaar ahaana bahda Ganacsiga.

Waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, samafale ah kana mid ahaa odayaashii bud-dhigga u ahaa dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, kaalin weyna ku lahaa dhanka horumarka ganacsiga oo uu muddo dheer ku soo dhex jiray.
Dhinaca kale AHUN marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane), ayaa isla shalay gelinkii danbe lagu aasay qubuurro ku yaalla Woqooyiga Hargaysa.

Waxaana aaska marxuumka ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, ganacsato, culimawdiin, iyo dadweyne kaloo fara badan