Golaha Wasiirada JSL oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee 2024

0
171

Gudaha ka akhri Odoroska Miisaaniyadda la ansixiyay oo ay ku jiraan qarashka Doorashooyinku

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa(Dawan) Golaha wasiiradda Somaliland ayaa ansixiyay miisaaniyada 2024 ee dowladda, waxaanu  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,   doodd kaddib cod geliyey anisixinta oddoroska miisaaniyadda sannadka, waxana ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku meel mariyeen oddoroska miisaaniyadda 33-aad ee qaranku yeesho oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Miisaaniyad-sannadeedka 2024-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,432,316,337.448 (Saddex Tiriliyan, Afar boqol iyo laba iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo lix iyo toban Milyan, saddex boqol toddoba iyo soddon kun, Afar Boqol iyo siddeed iyo afartan) Somaliland shiling ah, taas oo ka kooban

  • Miisaaniyadda guud ee dawladda
  • Miisaaniyadda Dawladda dhexe
  • Miisaaniyadda dawladaha hoose
  • Hay’addaha Madaxa Bannaan
  • Mashaariicda Baanka Adduunka

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad, waxa uu sharraxay meelaha iyo miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2024-ku diiradda saarayso iyo meelaha la filayo inuu dakhligu kasoo xeroodo, iyaga oo xubnaha wasiirradu gudo galay dood iyo falanqayn dheer oo ku saabsan oddoroska miisaaniyadda.

Miisaaniyadda sannadka 2024-ka waxa hoggaaminaya oo udub-dhexaad u ah qodobbadan soo socda:

  • Dib-u-dhiska difaaca dalka,
  • kharashka doorashooyinka
  • Isku dheellitirka dakhliga iyo kharashka,
  • xakamaynta sicir-bararka,
  • Kor u qaadista adeegga garsoorka,
  • dhiirrigelinta wax soo saarka,

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan Xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyada xeer Lr.XX/2023.