Xukuumadda Somaliland oo amarro kusoo rogtay muuqbaahiyaha Universal Tv

0
184

Hargeysa (Dawan):- Xukuumada Somaliland ayaa muuqbaahiyaha Universal Tv ku amartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray oo ay sheegtay in ay lidi ku yihiin anshaxa suuban.

Amar kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo u uku saxeexan yahay wasiirka wasaaraddasi Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),  ayaa lagu sheegay in muuqbaahiyahan laga mamnuucay doodo uu in muddo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasi oo bulshadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxtarkooda iyo waxyeeladooda.

Hadaba, Universal TV ayaa dhawaan qabtay dood ku sal leh qabiil iyo qoomiyado, isaga oo baahiyay dood lagu falanqaynayay qaybo kamid ah qabiilada Soomaaliyeed iyo Qoomiyada Oromada, taasi oo ay xukuumadu ku tilmaantay wax anshaxa ka baxsan.

Wasaaradda warfaafintu waxa ay xeer ilaalinta Qaranka fartay in ay waajibaadka sharci ka gudato, maadaamo oo ay amaradii iyo digniinihi hore loogu qoray uu ka dhega adaygay.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo soo gaaday xafiiska warqabadka Wargeysyadda Dawan ayaa u dhigna sidan.

 

“Wasaaraddu iyada oo tixraacaysa wareegto hore uga soo baxday wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta sumadeeduna ahayd WWDHW/XWKX/12/2023 taas oo ujeedadeedu ahayd joojinta baahinta doodaha, wareysiyada, warbixinaha ka hor imanaya dhaqanka, anshaxa suuban iyo diinta.

Haddaba maadama Muuq-baahiyaha Universal Tv uu ka waantoobi waayay baahinta doodaha ka hor-imanaya anshaxa, dhaqanka suuban, qiyamka wanaagsan iyo Diintaba, isla markaana caadaystay baahinta doodo aan ahayn dhaqan Soomaaliyeed oo meelo kale laga soo waariday una muuqda mashruuc cid kale wadato oo lagu burburinayo dhaqanka bulshada, kaas oo ujeedadiisu tahay in doodo laga furo waxyaabo bulshadu ay ka xidhoon jirtay, sida macaamilka qoysaska, wax ka sheega nasabka iyo qabaa’ilka.

Sidaasi darteed wasaaraddu iyada oo tixraacaysa dhammaan qodobda sare ku xusan waxay ay ku amraysaa.

1 In Muuq-baahiyaha Universal ay mamnuuc ka tahay doodahaasi dibna aanu u siidayn karin.

2 In ay xeer ilaalinta Qaranku ay waajibaadka sharci ka gudato, maadaamo oo ay amaradii iyo digniinihi hore loogu qoray uu ka dhega adaygay Muuqbaahiyaha Universal Tv.”