Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Beeraha oo Shir La Yeeshay Isu-duweyaasha Wasaaradda Ee Gobollada Dalka

0
90

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Maxamed Habbane, ayaa Maanta Shir la yeeshay Isku-duweyaasha Wasaaradda ee Gobollada dalka.

Wasiir Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Habbane, ayaa marka koowaad Isku-duweyaasha mid mid uga dhegaystay War-bixino ku saabsan Waxqabadkooda, markaasi ka dibna wuxuu u soo jeediyey inay shaqadooda laba-laabaan, maadaama oo Wasaaraddu dedaal ugu jirto sidii dalku u gaadhi lahaa Wax soo-saarka Beeraha iyo isku filnaanshaha dhinaca cuntada iyo beeraha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Prof. Aadan C/laahi Sh. Muuse oo sii waday Shirka Isku-duweyaasha, ayaa hadal uu u jeediyey ugu soo jeediyey inay dardar-geliyaan xil gudashadooda shaqo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa kula dardaarmay inay kor u qaadaan wacyigelinta Beeralayda dalka, si wax soo saarka Beeraha kor loogu qaado, sidoo kale waxa uu u soo jeediyay isku-duwayaasha gobollada dalka inay ka war hayaan isla markaasi dhiirigaliyaan Beeralayda dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibada inooga imanaya.

Waxa xusid mudan, in shirkan oo ay soo Agaasintay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeruhu ay goob-joog ka ahaayeen Agaasime-waaxeedyada Wax soo-saarka Cabdirisaaq Gaboobe, agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Waraabka Mr. Farxaan  iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka mid ah, kuwaasi oo uu ujeeddada Shirku khusayso.

Gebo’gabadii kulankan lagu lagu xoojinayay shaqada iyo hawl qabadka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ee dhammaan gobollada dalka ayaa la isku raacay in la xoojiyo shaqada wasaaradda Beeraha iyo sidii loo dhiirigalin lahaa beeralayda dalka iyo wax soo-saarka beeralayda