“Suldaamadii hore Siyaasadda may Geli-jirin ee Beelaha ayay kala Hagaajin Jireen…” Guddoomiyaha UCID

0
126

Berbera (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhaliilay tiro bad-naanta iyo tayo xumada madax dhaqameedka dalka ka jira.

 

 

 

Waxaanu sheegay in waayadii hore ay aad u koobnayd tiradda madax dhaqameedka Somaliland, isla markaana ay ahaayeen kuwo dhawrsoon oo aan siyaasada shaqo ku lahayn.

 

 

Madax dhaqameedkii xiliyadii hore ayuu guddoomiyaha UCID ku sifeeyay in ay ahaayeen kuwo shaqada ugu weyn ee ay bulshada u hayn jireen ay tahay kala celinta ama nabadaynta beelaha.

 

 

 

Hayse yeeshee madax dhaqameedka waayadan danbe ayuu ku tilmaamay Eng. Faysal, in ay noqdeen kuwo ka gudbay xayn-daabkii hogaanka dhaqanka lagu yaqaanay, isla markaana ay ku milmeen siyaasada.

 

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad shalay lagu caleemo saarayay Suldaanka guud ee beesha Muuse Cabdalle, Suldaan Cabdisamad Suldaan Maxamed Xasan, oo ka qabsoontay magaaladda Berbera.

 

“Anigu waxaan ku Garraadaystay magaaladda Hargaysa oo saddex suldaan oo qudha leh. Reer waliba wuxuu lahaa hal Jiif caaqil ah, iyo hal Suldaan. Madax dhaqameedku siyaasada may geli jirine, marka arrini ka dhex dhacdo beelaha ayay kala hagaajin jireen.

 

Marka ay arrini dhacdo waxay eegi jireen sida ay dhacdadaasi u saamaynayso guud ahaanba beeshiisa, iyagoo ka eegi jiray in ay si wanaagsan ku dhamaato”.

 

 

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa ka sheekeeyay taariikh ahaan wakhtigii u horaysay ee ay dalkeena ka bilaabmeen madax dhaqameedku, iyo dariiqii ay ku shaqayn jireen.

 

Waxaanu yidhi “Caaqiladad, iyo Suldaanada waxaa la inoo sameeyay xiligii Turkiga. Markii Ingiriisku inoo yimid na nidaamkii Turkiga, ayuu madax dhaqameedkeena ula macaamili jiray”.

 

“Maanta na waxaad eegtaa markay reeruhu is qabsadaan, waxaa deg deg nabad looga gaadhi waayaa… maanta waxaynu odhan karnaa waxaa jira goleyaal salaadiin, iyo cuqaal, waana kaka wada ajandeyaal, waana sababta keenta in nabad laga gaadhi waayo marka ay beelaha wax dhex maraan” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.