Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Fariin Waayeelnimo u Diray bulshada Somaliland

0
157

Berbera (Dawan):-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay in xaalada dalku ku jiro lagaga bixi karo caqli iyo xigmad, haddii ay xukuumad, muxaafid iyo mucaarid tahayba, waxaanu ka codsaday in dalka iyo dadka loo tudho.

Sidoo kale wasiirku bulshada Somaliland waxa uu faray in cidda ay doonayaan inay doortaan ay iska hubbiyaan ee aanay wada aaminin.

Waxaanu yidhi.“Xaalada maanta lagu jiro waxa lagaga bixi kara caqli iyo xigmad, haddii ay xag xukuumaddeed tahay, iyo haday mucaarid tahayba iyo haday nin wax dareensan tahay iyo haday muxaafid tahayba, dalka iyo dadkaba haloo tudho.

Waxaan hubba in bulshada Somaliland bulsho liidata tahay, sababto ah, markay doortaan cid mucaarid iyo muxaafid cidkastaba ha ahaadeene way isku wada aaminaan, ma hubiyaan, ma yidhaahdaan waxaasi waa khaldan yahay, haddii mucaarid iga dhigtaan hoggaan oo aan la anbado ima yidhaahdaan waar joog, haday muxaafi iga dhigaana waa la mid.

Bulshada waxaan ku cannaanaya waar haddii siyaasiyiintu idinla ambadaan dee siyaasiga lama caabudo ee ILLAAHEY ba la caabudaa, Nebigiisa iyo Diinta dalka ka qaalisan wax walba, kol ay innaga nagu tahay hebelow waad qaldantay ayaa naga adag.”