Basaaska Midbadda Badan!

0
122

Sidney Reilly waxa uu ku dhashay wadanka Russia 1873, gobolka hadda loo yaqaano Ukraine, waxa uu u shaqayn jiray sirdoonka Ingiriiska.  Waxaana magaciisa saxda ah lagu sheegay inu ahaa  Mr.Sigmund Georgievich Rosenblum. Laakiin wuxu caan ku ahaa magaca “Ace of Spies” Reilly waxa uu aaminsanaa inuu u basaasi karo afarta quwadood ee dunida maalmahaasi ugu xoogga weyna arinkaasi wuu fuliyay ka dib markii uu afarta dawladoodba siro muhiim ah ka keenay.

Waxa uu xoog u isticmaali jirey dhaqano kala duwan waxaana loogu bixiyay naanaysta “Gentleman Spy”, dumarka ayuu aad ugu daraa waxaana uu guursday 11 dumar ah.

Waxa ka shaqaalaysiiyay sirdoonka British-ka saaxiibkii oo ahaa Diblamaasi British ah iyo suxufi oo lagu magacaabi jirey Sir.Robert Bruce Lockart.

Sidney Wuxu qaatay 11 Passport oo kala duwan. Midawgii sofiyeet ama Ruushka ayaa laga erayay iyadoo lagu eedeyay inuu Ingiriiska basaas u yahay. Wuxu yaqaanay kuna hadli jiray 7 Luqadood. Laakiin haddana asal ahaan dalka uu ka soo jeedo, lamana garanyo. Xitaa isaga laftiisa ayaanba taa aqoon, ilaa uu gaadhay 19 sano wakhtigaasi oo uu ogaaday inuu dhashay isagoon Aabo sharci ahi dhalin.  Si lama filaan aha ayaa loo waayay, ilaa maanta lama garanayo meel uu ku danbeeyay