Kulanka Faaqidaadda Calaamadaha Khatarta ah ee Oof-wareenka ee u Dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka

0
123

Todobaankan Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Qormadiisa Kowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa, kulan ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO) kaasi oo ku saabsan ogaanshiyaha calaamadaha khatarta ah ee xanuunka Oof-wareenka, kaasi oo loo qabtay bulshada tuulada Gogol-wanaag ee gobolka Gabiley, si ay u ogaadaan, ugana digtoonaadaan xaalada darran ee xanuunka Oof-wareenka.

Wasarada Horumarinta Caafimaadka oo taageero ka helaysa Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa soo qabanqaabisay, madal daahfuran oo lagu faaqidayo Oof-wareenka iyo Calaamadaha khatarta ee lagu garto. madashan oo looqabtay bulshada ku xeeran Xarunta caafimaadka Hooyo iyo dhalaanka ee Gogol-Wanag MCH ee tuulada Gogol-Wanag Gobalka Gabiley ayaa waa kasoo qayb-gelay 8 raga iyo 30 haween ah. Madashan ayaa waxaa lagu faaqidayey/gorfaynayey Oof-wareenka iyo calaamasaha kharta ah ee lagu garto.

bulshadaasi ayaa si weyn uga qayb-qaadatay gorfaynta iyo falan qaynta mawduucaa, kana faa’iidaysatay xogtii la isku waydaarsanayey goobtaasi.

Hindisahan ayaa ujeedadiisu tahay in bulshadu barato khatarta Oof-wareenka iyo Calaamadaha lagu garto si looyareeyo dhibta iyo dhimashada oof-wareenku caruurta ku sababo.

Madashan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime ku xigeenka waaxda adeega caafimaadka iyo Cisbitaalka, Mr. Abdiqani Hassan iyo sidoo kale masuulka socda Wasaaradda Horumarinta Caafimaaddka oo isla madashaasi kaga qayb galay faaqidaada iyo lafo-gurka mawduucaas.

Agaasime ku xigeenka oo madashaasi kula hadlay bulshada ku dhaqan deegan ayaa uga mahadnaqay sida fican ee ay uga sooqayb-galeen isla markaana ku amaanay sidaa dadaalka ay kaga qayb-qaadanayaan ilaalinta caafimaadka bulshadooda iyo nafahooda.

Madashan wadahadalka bulshada ee faaqidaayey Oof-wareenka iyo Calaamadaha lagu garto ayaa qayb ka ah mashruuca (Every BreathCounts) , kaas oo ay fulinayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kaashanaysa WHO, iyada oo maalgelin iyo taageero ka heleysa Hay’adda Gargaarka Bani’aadamnimada ee King Salman.