Hargeysa:Laba Nin oo ku Dhintay Bulaacad ku Taalla Agagaarka Goolada Jigjiga yar

0
108

Hargeysa(Dawan):- laba nin oo qodayay Bullaacad ku taalla xaafadda Jigjiga yar ee Caasimadda Hargeysa,ayaa ku geeriyooday ka dib markii ay la duntay.

War qoraal ah oo ciidanka dab-demisku ka soo saaray,ayaa u dhignaa sidan.

“Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay 2:00 am degmada Ibraahim Koodbuur nooca badbaadadaas oo ahayd laba

nin oo Bullaacad ku dhacay lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.

 

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii, hasayeeshee yeedhmada oo dambaysay  waxaa ciidanku godka ugu tagay labadaa nin oo Meyda.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib ka soo saaray Maydkii Bullaacadaas.

 

Ugu dambayna waxaa Maydkii ciidanku ku wareejiyay Ciidamada Dambibaadhista Booliska.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inay goor hore soo wargeliyaan ciidanka Dabdemiska, balse aan soo dalban gurmadka markay ku adkaato inay wax ka qabtaan.

 

Waxaa mamnuuc ah in Bullaacad la qodo Wakhti habeenimo, sidoo kale maalintii marka bullaacadaha la qodayo maalintii waa in dhawr qof lagu qodo si ay isku caawin karaan.”.