Ciidanka Dabdemiska iyo Maamulka Saaxil oo isla Meel Dhigay Qorshaha ka Hortagga Dabka

0
114

Hargeysa(Dawan)-Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa kormeer shaqo ku tagey Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Taliyuhu wuxuu kulan la yeeshay Maamulka Gobolka oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayarka Magaalada Berbera, Badhasaab xigeenka gobolka Saaxil,Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera iyo masuuliyiin ka socday DP World, Oomaar, iyo Somgas.

 

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd warbixinta qiimeyntii uu soo sameeyay Taliyaha Ciidanka Dabdemisku ee ka hortaga aafada dabka, maadaama magaalada Berbera ay tahay magaalo ganacsiyeed muhiima ayna ku yaalaan goobo waaweyn oo halis u ah dabka, waxaa lagaga dooday sidii loo fulin lahaa Qiimeyntaas uu soo sameeyay Taliyaha Ciidanka Dabdemisku.

 

Taliyaha ciidanka Dabdemiska oo ay wehelinayaan saraakiisha ciidanka Dabdemisku ayaa soo kormeeray qeybaha kala duwan haamaha shidaalka.

 

Waxaa safarkan Taliyaha ku wehelinayay Hoggaannada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlgelinta, Tababarrada iyo wacyigelinta iyo warbaahinta ciidanka dabdemiska.

 

Waxa la isla qaatay in la xoojiyo isku xidh ka dhexeeya daneeyaasha taasoo si isku mida loogu soo gurmanayo hadba goobta wax ka dhacaan iyo in qiimeyntaas kadib la sameeyo agabka ku habboon ee ka hortagga.