Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Markii u Horreysay Dib u Bilaabay Wada-hadalladii Labada Dal ee Istaagay Afar Sanno ka Hor

0
136

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Qoddobada labada Madaxweyne ku Faaqidayaan kulankooda uu martigeliyay

 Jabuuti(Dawan)-Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii shir lagu sii amboqaadayo wadahadalladii labada dal uga furmeen Jabuuti, kulankaasi oo uu martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo labada dhinac siiyeen kalsooni buuxda.

 Soo Dhaweyntii Madaxweynaha:

War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland, Naasir Yuusuf Daahir, ayaa sheegay in weftiga madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyay Jabuuti meeqaam sare, war-saxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey  oo ka degay Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Dalka Jabuuti, iyadoo ay siday diyaarad gaar ah oo ay Dawladda Jabuuti u soo dirtay, waxa halkaa ku qaaabiley kuna soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.

 

Madaxweynaha iyo weftigiiisa waxa loo galbiyey Qasri loogu talo-galey madaxweynayaasha caalamka ee dalka Jabuuti soo booqda, qaddar nasasho ah ka dibna, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa salaan ugu yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo labada madaxweyne halkaas ku qaatay waqti kooban.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo baLlansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.

 

Kulankaa ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay khamiistii.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa ku weheliya socdaalka Jabuuti Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Qorshaynta,Waxbarashada iyo Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadlada lala yeelanayo Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle muxuu ka yidhi wadahadalka:

Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay inuu martigeliyay kulan toos ah oo ay yeesheen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Waxa kaloo Madaxweyne Geelle intaas ku daray in labada dhinac ay wadahadalkan ku faaqidayaan Mowduucyada masiiriga ah ee ku wajahan mustaqbalkooda. Waxaanu caddeeyay in labada madaxweyne ay kalsooni buuxda ku siiyeen inuu dib u bilaabo wadahadalladii istaagay sannadkii 2019kii.

 

Wadahadalladan waxa guul siyaasi ahi ugu jirtaa Jamhuuriyadda Somaliland oo  12kii sannadood ee la soo dhaafay wadahadalladaasi uga gol lahayd sidii ay u kala guran lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo madaxbannaanida qarannimada Somaliland-na tahay lama taabtaan.