Wasiirka Warfaafinta oo Bogaadiyay Toban Guurada Aasaaska Idaacadda Qur’aanka Kariimka

0
134

Hargaysa(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed ayaa bogaadiyay toban guuradii ka soo wareegtay aasaaska Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo 10 jirsatay.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku hambalyeeyay shaqaalah sida tooska ah uga hawl galayay Idaacadda mudad tobankaasi sano eek u dedaalayay sidii ay u socon lahayd maalin kasta, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in dunida Muslimka ah ay jiraan dhawr dal oo kaliya kuwaasi oo leh Idaacad Qur’aan oo 24-ka saacadood la dhagaysto, waxaanu sheegay in ay Somaliland kow ka tahay dalalkaasi ku dedaalay inay sameeyaan Idaacad u gaar ah Qur’aanka Kariimka.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawlad ahaan iyo wasaaradda ahaan ba ay Sharaf wayn u tahay in Idaacadda Raadiyow Hargaysa ay tahay meel dadka laga barayo Qur’aanka Kariimka iyo Tafsiirkiisa, kaasi oo ay bulshadu helayaan 24-ka saacadood.

Sidoo kale waxa uu wasiirka warfaafintu bogaadiyay bulshada sida tooska ah ugu taxan dhagaysiga Idaacadda Qur’aanka Kariimka, kuwaasi oo ka bartay Qur’aanka iyo tafsiirkiisa, waxaanu wasiirku sheegay in ay jiraan dad aad u fara badan oo ka aflaxay Idaacadda Qur’aanka Kariimka, kuwaasi oo ka bartay culuumta Diinta Islmaanka.

Gebo’gabadii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (CAali Mareexaan) ayaa gobaadiyay shaqaalaha gaarka u ah Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah kuwaasi oo had iyo jeer heegan ugu jira sidii ay u gaadhsiin lahaayeen Bulshada Qur’aanka Kariimka ah iyo barashada cilmiga Diinta Islaamka.