Heshiiska Itoobiya Danteena iyo Aqoonsigeenna ayaa ku Jira”

0
137

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay heshiiska is-af-garad ee Badda la xidhiidha ee ay wada gaadheen dawladaha Somaliland, iyo Ethiopia, waxaanu sheegay in heshiiskaas ay ku jirto danta iyo aqoonsiga Somaliland,”

Heshiiskaasi is-af-gard ee la xidhiidha in Somaliland ay saldhig Badda, ah xeebeheedda ka siinayso Ethiopai, ayuu guddoomiyaha UCID ku tilmaamay guul weyn oo ay gaadhay Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qayladda ay xukuumadda federaalka Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, in ay tahay cadaawada ay u qabaan shacabka Somaliland.

Waxaanu yidhi “Soomaaliya kama cabanayaan Badd la bixiyay ee waxay ka cabaadayaan ictiraafka la ina siiyay. Taa horta ogaada dadka reer Somaliland-noow. Nimanka Soomaaliya ee qaylinayaa, waxay muujinaysaa cadaawada ay inoo qabaan”.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo intaasi ku daray “Heshiiska aynu la galnay Ethopia danteena ayaa ku jirta, aqoonsigeena ayaa ku jira, waliba waddamo kalena way jiraan oo ina aqoonsanaya..,”

Guddoomiyaha UCID ayaa sidoo kale waxa uu baaq u diray guud ahaanba shacab weynaha Somaliland, oo uu ugu baaqay in ay gacmaha isku qabsadaan sidii wada jir qaranka loogu difaaci lahaa.

“Dadkeena waxaan leeyahay, waa danteenii. Aqoonsi ayaynu helaynaa. Keligeedna ma socoto Ethiopia, ee wadamo badan baa soo socda. Ethioipai, waa jaarkeenii, wixii inagana inoo dan ah, ayaa iyagana u dan ah. Suuqa aynu doonayno, waa in aynu ilaa South Sudan, u sii dhex marno. Wadamada bilaa Badda ah oo dhan.

Heshiiska ay gaadheen Somaliland iyo Ethiopia, laba sawaxan ayaa ka soo yeedhay. Midi waa cadowgii Somaliland” ayuu yidhi Eng. Faysal.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Dadka reer Somaliland-noow, wada jir baynu u difaacaynaa qarankeenna. Waayo? Maanta waynu guulaysanay. Wixii maanta ka danbeeya amniga ayaynu ka wada shaqaynaynaa Ethioipia. Waxaan u sheegayaa dadka reer Somaliland, cadowgeenu maaha Ethiopia, balse cadowgeenu waa Soomaaliya”.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo jeediyay in heshiiskani la hor geeyo goleyaasha sharci dejinta, maadaama oo uu yahay hadda is-faham guud oo keliya.