Shirkadda Casriga ah ee Telesom oo Daah-furtay Adeegga 5G

0
124

Hargeysa (Dawan) Shirkadda Is-gaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa daah-furtay adeegga 5G oo shirkaddu ku talaabsatay sannadkan. War-saxaafadeed shirkadda Telesom ka soo saartay munaasibad ay ku daahfurtay adeegga casriga ah ee 5G oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa noo farxad ah in aannu markii ugu horaysay si rasmi ah dalka uga hirgelinno adeegga internet-ka casriga ah ee Jiilka Shanaad (5G) oo ah laba nooc: 5G-ga moobaylada iyo 5G-ga guryaha, meheradaha iyo ganacsiyada (Fixed Wireless Access). Guushan taariikhiga ah ee ay shirkaddu gaadhay ayaa xaqiijinaysaa kaalinta lama huraanka ah ee ay kaga jirto hal-abuurka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiga. Adeegyadan ayaa astaan u ah horumar la taaban karo oo loo qaaday siinta bulshada adeegyada casriga ah isgaadhsiinta.

Adeegga internet-ka ee jiilka 5aad (5G) waxa uu qayb ka yahay korodhka baaxadda weyn ee tignoolajiyada wireless-ka, taas oo bulshada isugu xidhaysa internet xawaare sare iyo isku hallayn leh. 5G-ga Telesom ayaa wax weyn ka beddeli doona habka dadku u wada xidhiidhaan, u shaqeeyaan, ulana falgalaan dunida casriga ah.

Xafladda daahfurka adeegga 5G ayaa ka qabsoontay xarunta guud ee shirkadda Telesom, waxaana goob joog ka ahaa marti sharaf aad u heersaraysa oo ay kamid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Axmed Yuusuf idiris, Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mdane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex; Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Mayor-ka Caasimadda; Cabdikarim Axmed Mooge, gacansato, culimo, bahda jaamacadaha iyo aqoonyahan kale oo badan.

Shirkaddu waxay aaminsan tahay in daahfurka adeegyada 5G iyo FWA ayna kaliya kobcin doonin nolosha shakhsiyaadka, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan doonto kobaca dhaqaalaha iyo hal-abuurka qaybaha kala duwan ee bulshada miyi iyo magaalaba. Iyada oo aannu taas ka duulayno adeeggan keliya kuma aannu koobin magaalooyinka waaweyn ee waxa aannu ka hirgelinay deegaanno ballaadhan oo ay ka mid yihiin: Hargeysa, Burco, Buuhoodle, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Laascaanood, Sheekh, Wajaale, Widhwidh & Xuddun.

Masuuliyiinta dawladda, bahda warbaahinta, ganacsatada, jaamacadaha, hoggaamiyeyaasha qeybaha kala duwan ee shirkadaha, iyo dadweynaha ee aanu ku martiqaadnay in ay goob-joog ka noqdaan waaga cusub ee u baryay dalka, waxa aanu u ballanqaadaynaa in ay adeeggan ku qanci doonaan, isla marka ay tijaabiyaan.”

Wixii su’aalo ah eek u saabsan adeeggan iyo ka faa’iidooyinkiisa, fadlan ku soo hagaaji media@telesom.com