Shacabka JSL oo si Weyn u Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
154

Hargaysa (Dawan) Siddeed iyo afartankii saacadood ee u danbeeyay guud ahaan Somaliland waxa aad looga hadal hayay heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Magaaladda Adis Ababa, ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ka qayb qaadanaya xoojinta Iskaashiga labada dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo in la iska kaashado amniga gobolka.

Hadal haynta arrintan ayaa keentay in goob kasta oo ka mid ah goobaha la isugu yimaado sida gaadiidka ay dadwaynuhu raacaan, goobaha shaaha laga cabo iyo meel kasta oo ay bulshada Somaliland ku kulmaan waxa aad looga hadal hayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo bulshadu ay aad ugu riyaaqeen, isla markaasina ay aad u soo dhaweeyeen.

Qaar ka mid ah shacabka Hargaysa oo warbaahinta Dawlada la hadlay ayaa heshiiskan ku macneeyay In la gaadhay xiligii ay Somaliland ka faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda badda, iyada oo ku dedaalaysa inay bulshadeeda 30-ka sano ahayd bilaa aqoonsiga, loo jihaysto sidii loogu garaaci lahaa albaabada u dhago nugul dhawaaqa iyo doonista shacabka iyo dawladda Soamliland ee Ictiraaf doonka ah.

Sidoo kale bulshada ku nool Hargaysa ayaa Madaxwaynaha iyo weftigiisa ku sugan dalka Itoobiya ku hambalyeeyay heshiiska Iskaashi ee ay wada saxeexdeen dalka Itoobiya, waxaanay sheegeen in heshiiskaasi uu yahay mid ay Xukuumadda Somaliland aad uga fiirsatay oo ay ka baaraan dagta oo aanay ku jirin wax sal fudayd ah.

Bulshada ku nool Hargaysa ayaa ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay masuuliyiinta iyo shacanka Soomaaliya mid aan wakhtigiisii joogin,oo aan loo joojinayn, waxaanay ugu baaqeen inay ka samraan Somaliland oo ay dawladooda iimaansadaan.

“Somaliland ha midowdo, ha is raacdo, guul bay gaadhay, yaan tushuushka la qaadanin, maanta waa mid, dib u noqosho ma jirto, madaxweynaha JSL, roog cas haloo dhigo.

Waanu soo dhaweynayna heshiiska Adis-ababa ka dhacay, cidkasta oo danaynaysa in Somaliland ay wax ka qabsatana waanu soo dhaweynaynaa, heshiiska madaxweynahana cid wax ka beddeli karta majirto.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray waa muqadas, Ictiraafka deg dega ah ee Itoobiya nasiisay waanu ku hanbalyaynaynaa, waxaanu yimid wakhtigii ku habboona, waxaanu leenahay madaxda Soomaaliya baddiini Kenya haysate Kenya u doonta, bad la iibiyay majirto, cayayaanka baraha bulshada waxaan leeyahay halkaasi boos idinkama bannaane meelkale raadsada badan ragiilahaa ayaa u tashade.

Aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynayna go’aanka uu madaxweynaha Somaliland qaatay, cidba cid wax ka qaadi karta, ama bad kaqaadi kartana ma aaminsanin, waa dhaqaale Somaliland u soo kordhay badda aynu Itoobiya kala heshiinay.

Heshiiskan laba faa’ido ayaa innoogu jira ta hore in qayb ka mid ah dhulkeeni aynu kiraysano, iyo in Itoobiya tahay dalkii u horeeyay ee ina ictiraafa”Ayey yidhaahdeen qaar ka mida bulshada caasimadu.