Masuuliyiin Fagaare Kaga Qayb Galay Dabaaldegga Heshiiska JSL iyo Itoobiya

0
171

Hargaysa (Dawan) Habeen hore waxa ay ahayd habeen bulshada Somaliland uga duwanayd habeenadii hore u soo maray ee kal tirsiga taariikhaha kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maalin ba mid diiwaan galinyay.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ku hubaysan calanka Tawxiidku ku xardhan yahay ee Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland ay la gaarka tahay,kaasi oo qaarkood ay ku labisnaayeen, qaar kalena ay gacmaha ku xidhnaayen, halka kuwa kalena ay ka dhigteen muraayadaha indhaha loo qaato, ayaa isugu soo baxay Daljirka Taaladda Dahsoon ee fagaaraha Diyaarada magaalada Hargaysa.

Dadkan oo farxada iyo damaashaadka ay ku qaabileen heshiiska dhaxal galka ah ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku dawaaqayay erayo midaysan oo ay ku soo dhawaynayaan isla markaasina ay ugu gogol xaadhayaan heshiiskaasi is af-garad.

waxaa barxada Kheyriyada Hargaysa banaan bax taageero ah ka sameeyay, bulshada ku nool magaalada Hargaysa, kuwaasi oo muujinayay dareenka wadaninimo ee ay dalkooda ku taageerayaan, waxaanay ku dhawaaqayeen hadaladan “anagu xor baanu nahay, cidda aanu doono ayaanu heshii la galaynaa, waanu taageersan nahay Madaxwaynahayaga iyo sahanka Ictiraafka ee uu noogu maqan yahay.

Masuuliyiinta ugu tunka wayn xukuumadda Somaliland ayaa bulshooda kala qayb galay banaan baxyada ay ku wanaynayaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay sida wada jirka ah qalinka ugu duugeen, isu soo baxa fagaaraha waxa ilaaladiisa lahaa ciidamada aan habeen iyo maalin ka seexan jiritaanka nabadgelyada Qaranka Somaliland ay ku majeeratay aduunyada inteeda kale.

Xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland, maamulka gobolka Maroodi Jeex iyo kan Degmada Hargaysa ayaa banaan baxan taageero kala qayb galay shacabka Hargaysa oo si cad uga soo hor jeestay damac Soomaaliya ee ah heshiis ma galin kartaan, waxaanay la hadleen bulshadii isku soo baxday ee garab joogsiga u muujinaysay heshiiska taariikhiga ah ee dhex maray Jamhuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya, masuuliyiintan ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Mudane Salebaan Cali Koore, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf, Badhasaab ku xigeenka Goolka Maroodi Jeex Khadar Baaruud iyo Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargaysa, waxaanay dhammaantood ku guubaabiyeen shacabka isku soo baxay inay garab joogsadaan horumarka iyo danaha dalkooda, kana dhiidhiyaan sheegashada guracan ee Soomaliya ku sheeganayso kheyraadka iyo dhulka Somaliland.

Ugu horeyn waxa bulshada fagaaraha kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shacabka u sheegay in dawladda Soomaaliya ay diidan tahay Dawladnimada iyo madax banaanid Somaliland, oo uu sheegay in ay tahay sababta uga qaylinayaan heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya waxaanu yidhi

“waad maqlayseen dawladii Xamar waxaa ka soo baxay go,aamada ay jeediyeen, diidmada ay jeediyeen macnaheedu intaasi waxa weeye Qaranimadiinaa la diidan tahay, dawladnimadiinaa la diidan yahay, jiritaankiina la diidan yahay, halkan caawa dadka joogaa dhalinyaradii baad u badan tihiin dadkii dhibaatadii, kaligii taliskii, xumaantii, dilkii iyo dhaawacii laga xaroyeeyay sow ma tihiin, waxa la idinka rabaa difaacii Qaranka waxa la idinka rabaa berri inaad is muujisaan, waxa la rabaa Khamiista weftiga imanaaya inaan soo banaan baxno’’.

Sidoo kale fagaaraha Diyaarada waxaa shacabka u soo baxay taageerada kala hadlay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed waxaanu sheegay in habeenkani uu reer Somaliland u yahay habeen Taariikhi ah oo ay u dabaal-degayaan Ictiraafkii ay mudada badan sugayeen waxaanu yidhi

“Waa habeen taariikhi ah, waa wakhti barakaysan, waa Somaliland oo Ictiraafkii aynu sugaynay dhawr iyo sodonka sanadood ILLAAHAY ina siiyay oo maanta ay tahay in aynu u dabaal-gegno mustaqbalkeenii iyo wixii aynu rabnay oo soo ifaya, waxa maanta inoo bilaabmaysa sanadkaa 2024 in aynu 55-ka dal ee Afrika ka 55-aad noqono, qof kasta oo reer Somaliland ah wa’aa cusub baa u baryay.

Qolada reer Soomaaliya ee maanta abaabulka badan galay ee cadaw-tinimada badan inoo muujiyay ee aynu walaalaha nahayna iyagana waxaan leeyahay inta aad xasarada abaabulaysaan waar bi’ waaye dalkii koowaad ee Somaliland Ictiraafay wuu indin dhaafay ka labaad yaanu idin dhaafin intaasaa maanta fursad idiin banaan’’.

Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Koore ayaa shacabka u sheegay in cidda ka soo hor jeedaa aanay u ogolayn Somaliland inay noolaadaan oo ay ka mid noqdaan dalalka caalamka iyo kuwa dariskab waxaanu yidhi

“kuwa inaga soo horjeeda ma ogola in aynu noolaano iyo in aynu noqono Qaran madax banaan oo umaddaha ka qayb ah, waxa aynu u diyaar garoobaynaa in aynu caalamka tusno in aynu nahay umadda jirta oo joogta oo Qaran leh oo Dastuur leh oo u codeeyay Dastuurka, oo ah wadan xornimadiisii 1960-kii 26 juun oo ka qaatay dawladii Ingiriiska.”

Wasiirka Xananada Xoolaha Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shacabka isugu soo baxay taageerada heshiiska Somaliland iyo Itoobiya u sheegay in dadka Xamar ku nool ay leeyihiin idinku ma tashan kartaan ee anaga ayaa idiin talinayna waxaanu yidhi

“Cidna u joojin mayno, Xamar way diidan tahay Hargaysa inay Xamar oo kale noqoto, raga Xamar ku noolna waxay leehiyiin anaga ayaa idiin talinayna oo ma tashan kartaan idinku waxaasina yeeli mayno, waynu tashanay taladu marbay luntay oo lixdankii bay ahayd, maanta way soo noqotay waxay isku haasaawinayaan waa been, dhulkeena waynu kiraysanaynaa, badaheena waynu kiraysanaynaa 120 Milyan ee Itoobiyaanka ah badaha Somaliland baa laga waraabinayaa, dalku nimcuu noqonayaa,shaqaa la wada helayaa,gaadiidkaa shaqo helaya, tujaarta iyo baayac mushtarkeenaa macaashaya,shaqaalaheenaa badanaya inta la inagala dagaalamayaa waa intaasi.’’

Dhankooda waxaa bulshada xamaasada iyo taageradu ka muuqato fagaaraha kala hadlay Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex iyo Maayir ku xigeenka Hargaysa iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo dhamaantood shacabka kula dardaarmay inay ilaashadaan Qaranimada iyo xasiloonida dalka, waxaanu ugu baaqeen in aanay dhagaysan dhawaaqyada ka soo baxaya dadka ka soo hor jeeda horumarka iyo Ictiraafka Somaliland.

Gebo’gabadii Bulshadii u soo baxday si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin in laga faa’iideeyo kheyraadka badda iyo ka dhulkeenaba si loo gaadho bay yidaahdeen himilada iyo hadafyada uu Qarankani hiigsanayo oo ah inuu helo Aqoonsi caalami ah oo uu baadi goob ugu jiray muddo 30 sano ah.