Addis Ababa: Wasiirrada Qorshaynta Somaliland iyo Itoobiya oo Kulmay

0
111

Addis Ababa (Dawan)[- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Itoobiya, Dr Fitsum Assefa Adela ayaan kulan ku yeeshay magaalo madaxda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirada ayaa mudadii kulankooda uu socday waxa ay ku lafo-gureen oo lagu gorfeeyay iskaashiga Caalamiga ah ee dhinacyada qorshaynta iyo horumarinta labadda dal ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Itoobiya, Dr Fitsum Assefa Adela ayaa isla qaatay inay soo magacaabaan guddiyo farsamo oo wadada u jeexa geedi socodka heshiiska labadda dawladood.

Wadashaqayn iyo Iskaashi heerkiisu sarreeyo oo dhex mara ayaa Wasaaraddaha iyo Hayadaha kala duwan ee Dawladaha Dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa xoojin doona horumarka iyo xoojinta xidhiidhka labada dawladood.

Kulanka waxaa labadda wasiir ee Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Horumarinta ee labada dal ku wehelinayay Ku xigeenka danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Barkhad Kaariye.