Qisaska : Marka Maskaxda Qofka La Iska Maamusho! Sidee Qofka Adoon Looga dhigan Karaa?

0
200

Roch Thériault waxa uu u ahaa nin Kanadiyan ah oo dhashay sanadkii 1947, waxaa uu ahaa hogaamiyaha asaasay darqiiqda  “Ant Hill Kids”  waxa ahaa gacan dhiigle dhagar badan.

Mar kasta oo caalamka la soo bandhigo koox la yaab leh, waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya su’aalo badan:

Sidee dadka loogu hogaamin karaa ariimo yaab leh oo xataa dhib ku keenaya iyadoo looga dhigayo diin, laguna adoonsanyo?

Sheekadeennu waxa ay dhacday dabayaaqadii toddobaatanaadkii iyo sideetamaadkii qarnigii labaatanaad, markii Nink lagu magacaabi jiray  “Roc Thériault” uu asaasay oo hoggaamiyay mid ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee rumaysnaa dhammaadka adduunyada una diyaargaroobaya maalinta qiyaame ee soo socota!

Rock waxa uu ka soo jeeday  qoys ka kooban todobo walaalo ahiyo isaga oo sided ku noqonaya, Rock waxa uu ku noolaa nolol qallafsan isaga oo ku andacoonayay in uu aabbihii ku xad-gudbay, inkasta oo aanay jirin wax caddaynaya xad-gudubka uu ka sheeganayo aabihii wakhtigaas!

Qoyskiisu waxa ay ahaayeen kuwo aad u aaminsan Madahbta Catholic ah ee Kiristaanka, laakiin ninkan Rock ayaa aad u necbaa madahbtan, waxaana uu u wareegay mad-habta “ Protestant Christian sect”

Waa dariiqo Masiixi ah oo kun-sano jir ah oo ka soo ifbaxay dalka Mareykanka qarnigii sagaal iyo tobnaad (1863) Dariiqadu waxay weynaysaa maalinta  Sabtida (maalinta toddobaad ee toddobaadka sida ku xusan kalandarka Christian (Gregorian) iyo Cibraaniga) waana ay ilaaliyaan waana maalin nasasho, Iyagoo Axadda ku bedeshay.

Laakiin kuma raagin dariiqdan waana ay iska eryeen markii ay arkeen caqli-xumadiisa iyo fikradihiisa jahawareersan.

Markii uu gaadhay Da’da qaan-gaarnimada, Rock wuxuu noqday sakhraan rabshad badan qoyskiisa iyo asxaabtiisana dhib badan ku haya, halkaas kuma uu joogsan, laakiin waallidiisii ​​way ka sii dartay ilaa uu ugu dambeyntii ku dhawaaqay inuu yahay Nabi oo uu bilaabay inuu aasaaso kooxdiisa 1977, oo magaceeda loogu Kooxda “Ant Hill Boys”.

Rock wuxuu ku qanciyay dad yar inay ku biiraan dhaqdhaqaaqiisa diineed, kuwaas oo iyaguna ku raacay kana tagay qoysaskooda oo iibiyey hantidoodii, oo jaray xidhiidhka aduunayada iyo macaamilkeeda mar haddii ay dhamaad tahay. Kooxdu waxay deggenayd dhul durugsan oo ku yaal cidlada deegaanka Somerville ee Quebec.

Waxa ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan iibinta badeecooyinka la dubay iyo farsamada gacanta, waxayna xidhaan dirays muujinaya sinnaanta!…