Saxaafadda Caalamka iyo Qaabka ay Wax Uga Qoreen Isfahamka Taariikhiga ah ee ay Kala Saxeexdeen JSL Iyo Itoobiya

0
212

Hargeysa (Dawan)- Warbaahinta caalamiga ah ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay aad u faallaysay, isla markaana wax ka qortay is-fahamkii ay Isniintii toddobaadkan Addis-ababa ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Ahmed, kaasi oo ku wajahnaa in Itoobiya ay 20km oo Kadin baddeed kiro ah ka hesho xeebta dheer ee Somaliland, iyadoo taa beddelkeedana uu heshiisku jidaynayo inay Itoobiya noqoto dalka koowaad ee shaaciya aqoonsiga caalamiga ah ee ay JSL dunida ka doonaysay muddada dheer.

Waxa warbaahinta dunida qabsaday is-fahamkaasi taariikhiga ah ee ay wada gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Saxaafadda Itoobiya, ayaa aad culayska u saartay is-fahamka labada dal, oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah oo loo qaaday dhinaca horumarka iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya. Wargeysyada Addis Standard iyo The Reporter, ayaa sheegay in is fahamkan oo dhawaan heshiis rasmi ah loo beddeli doono ay Somaliland ku beddelatay marin baddeedka ay ka kiraysay Itoobiya, in dawladda Itoobiya noqoto dalka u horreeya ee dal madax-bannaan u aqoonsada “Jamhuuriyadda Somaliland.”

Sidoo kale, Addis Standard iyo The Reporter, waxa ay sheegeen in is-fahamkan hordhaca ah ee ay isla gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu dhigayo in mustawaha u sarreeya la gaadhsiiyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan Arrimaha nabadgelyada, ganacsiga iyo diblomaasiyadaba. Kaasi oo ay ku sifeeyeen inuu kaalin togan ka qaadan doono horusocodka mandaqada Geeska Afrika.

Telefishanka France 24, Warsidaha caanka ah ee Bloomberg, ayaa sheegay in heshiiskaasi uu noqday mid lagu dhiiraday oo rumeeyay iskaashi ballaadhan oo dhex mara Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo horseedaya in labada dhinac cilaaqaadkooda diblomaasiyadeed gaadho halka u saraysa.

Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheegtay in is-fahamkaas ay Somaliland ka faa’iidayso inay Itoobiya ka hesho aqoonsigii ay u jeellanayd, waxaanay soo xigatay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo yidhi “Waxaanu ku heshiinay Itoobiya inay noqoto dalka u horreeya ee marka heshiiska rasmiga ah la saxeexo ictiraafa Somaliland.”

Reuters waxa ay qortay in Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in mowqifka Soomaaliya ka qaadatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid deel-qaaf ah oo looga baahan yahay inay raaligelin ka bixiso dawladda Muqdisho, waxaannu yidhi “Waxaan Soomaaliya ku boorinayaa inay raaligelin ka bixiso sheegashadeeda ku wajahan inay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.”

Geesta kalena, waxa isfahamkan aad wax uga qoray Idaacadaha dunida la hadla ee BBC, VOA, Wargeyska The Guardian iyo Akhbaarul-caalam, kuwaasi oo ka warramay waxyaabaha muhiimka ah ee ay is dhaafsadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Isfahamkan ayaa noqday mid guul taariikhi ah u soo hooyay labada dal ee jaarka ah ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana bog cusub u furay cilaaqaadkooda soo jireenka ah.