Ururka Siyaasadeedka Horseed oo soo Dhaweeyay Heshiiska JSL iyo Itoobiya

0
161

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi Darawal) ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi Darawal) oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid guul ah oo taariikhi ah, isla markaana uu jaahwareer ku abuuray cadawga JSL.

Cabdilaahi Darawal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waanu soo dhawaynaynaa Heshiiska ay ku kala saxeexdeen Addis Ababa Somaliland iyo Itoobiya, waxaynu raadinaynay 33 sanno Ictiraaf, waana in sharciyadda la mariyo. waxaana dastuurku farayaa in labada gole la mariyo heshiisyada lala galayo dawladaha, waxaana aynu arkaynaa naxdinta iyo jahwareerka ku dhacay cadawgii Somaliland.

Sidoo kale, Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu hambalyo u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Horseed, curashada sannadka cusub awgeed, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa curashada sannadka cusub awgeed Umadda reer Somaliland iyo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Horseed”.