Wasaaradda Khaarajiga ee Itoobiya oo Shaacisay in ay Aqoonsanayso Madax-bannaanida Somaliland

0
254

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay inay aqbashay inay Jamhuuriyadda Somaliland siiso aqoonsiga caalamiga ah ee loogu ictiraafayo ‘Dal madax bannaan.’

Wasiirul-dawlaha Wasaaraddas Arrimaha Dibadda Itoobiya, Misganu Araga, ayaa tilmaamay inay Itoobiya aqbashay in ay aqoonsi madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ku baddelato kadin baddeed ay ka hesho Badda Cas.

Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) oo ay xigatay laanta Af Axmaariga ee Idaacadda BBC-da.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa is faham taariikhi ah kala saxeexday Isniintii toddobaadkan, waxana Jamhuuriyadda Somaliland ay 20Km oo kaddin baddeed kiro ah u ogolaatay Itoobiya, waxayna dhaafsatay in dawladda Federaalka Itoobiya ay noqoto dalka u horrreeya ee shaaciya aqoonsiga Somaliland, marka labada dal is fahamkooda ay u beddelaan heshiis rasmi ah oo labada hoggaamiye kala saxeexan doonaan dhawaan.

Waxa tallaabadaasi noqonaysaa mid ahmiyad weyn u leh Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu fahamku u jidaynayaa in cilaaqaadka labada dal la gaadhsiiyo halka ugu sareysa gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo diblomaasiyadaba.