Markab kale oo lagu afduubay meel u dhow Xeebaha Soomaaliya

0
143

Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ ayaa goor dambe oo xalay ah laga afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada badda Hindia, ayaa si aad ah isha ugu haya markabkan la afduubtay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dalkaasi Jimcihii maanta.

Markabka ayaa waxa saaran 15 Hindi ah, waxaana lala sameeyay isgaarsiin ay la leeyihiin shaqaalaha markabka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, xogta markabka lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa la helay fiidnimadii Khamiista. Waxaa intaa dheer, diyaaradda ciidamada badda Hindiya aya ilaalinaya markabka.

“Ciidanka badda Hindiya waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan badqabka maraakiibta ganacsiga ee gobolka oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka ah,” ayuu yidh afhayeen u hadlay ciidamada Hindia.

Afduubashada Markabkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo horey kooxaha budhcad badeedu ay u afduubteen Markab iyo dhowr doonyood oo kalluumaysi, kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha Soomaaliya.

Budhcad badeedda ayaa dalbaday malaayiin dollar oo madax furasho ah, iyadoo haatan lagusoo waramayo inuu wadahadal u socdo budhcad badeeda iyo mulkilayaasha mid kamid ah maraakiibta lagu haysto xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo ah dal fashilmay ayaa halis ku ah amniga mandaqada ay ku taallo, waxaana xusid mudan inay khatar badan ka soo fool leedahay maraakiibta hubka dhoofisaa haddii ay ku soo jihaystaan Dalkan oo dhawaan cunno-qabateynta hubka laga qaaday.