Qisaska: Khurafaadka Iyo Dhamaadkiisa Khariban! Sidee Qofka Adoon Looga dhigan Karaa?

0
110

Qaybta labaad

Darqiiqda magaca “Ant Hill” waxa loogu bixiyay iyado goobta ay u guureen ee uu dejiyay xertiisa ay ahayd buur , gurayaha ay ka dhisanayeen iyagaa ka bineeyay, isagoo ninka waalan ee Rock uu iska fadhiyo oo aanu wax haba yaraate shaqo ah la qabanayn. Waxay u shaqanayeen sida qudhaanjada guryaha u dhisato.

Wakhtiyadii hore ee bilawga ahayd kooxdani waxa ay ahayd mid iska caadi ah oo aan wax dhib ahi ka muuqan, sida loo arkayay, isla markaana ah dad qaab cusub wata, iyo koox diineed kale oo dunidu ku soo biirtay. Waxa ay qabanayay qof kasta waxa uu ku wanaagsan ilaa ay gaadheen in ay noqdaan kuwo isku wada tiirsan.!

Laakin marka aad u fiirsato nolosha dadkaan waa mid nasiibdaro ku dhacday. Waxaad ogaanaysa in Rock uu si adag u xakameeyay oo uu si buuxda u hoos ugu dhigay maskaxdooda, isla markaana ka dhigay sida dad aan faham iyo fikir midna lahayn oo la mid xoolaha.

Sidaa awgeedna waxa kooxdu ku hawlanayd diyaargarowga odoroska maalinta Qiyaame  oo uu ka dhaadhicyay inay ay dhacayso bisha Feberwer ee sanadka 1979. Sidaa awgeedna mar haddii dunidu dhamaanayso aan loo baahan wax shaqo ah, laakiin la rabo in loo diyaar garoobo maalinka.

Rock waxa uu ka dhaadhiciyay kooxdiisa in uu yahay Nebi isla markaana uu wax kasta u qabanayo. Dumarka kooxdiisa waxa uu u sheegay in uu isagu wada leeyahay oo ay u dhali doonaan caruurta nebiga. Iyadoo ay sidaa iyaguna aamineen si ay u dhalaan caruur nebigoodu dhalay  . Waxa u haystay 8 dumar ah iyo 23 caruur oo ay dhaleen.

Kooxdu waxa ay aad u aaminsanayd in ay diyaar ahaadaan maalinta dhamaadka caalamka.  Markii la gaadhay Febraayo 1979-kii ee uu dhici waayay qiyaamihii loo ballan qaaday, Rock ma aaanu ka labalabayn sheegashadiisa, laakiin wuxuu u sheegay xubnaha kooxdiisa in sannadaha rabaaniga ah ay ka duwan yihiin sannadaha dhulku xisaabsadaan, sidaa darteedna aanu weli iman la gaadhin wakhtigii saxda ah eek u began wakhtiga dadka…dabcan kooxdan masaakiinta ah ee maskaxdooda laga xaday waa rumaystay iyagoo dardaarnkiisa qaatay, si ay ugu sii jiraan marka ay is waafaqaan taariikhda rabaaniga ah iyo taariikhda dhulka ee dhicidda Qiyaamaha.

Muddo ka dib, waxa uu bilaabay in dadkii kooxda ka dhigo kuwo lagu samaynayo xadgubyo kala duwan. Waxaana ka mid ah faraxumayn jidheed iyo galmo, jidh-dilid, gubasho jidhkooda sida xoolaha oo kale, iyo ka gooynta farahooda iyo ciqaabyo aan dhammaanayn.  Waxaasi oo dhan waxa uu uga dhigayay in ay tahay arrin wanaagsan oo ka soo fulaya Nebigooda.

Markan waxa uu bilaabay cabsi gelin dadka isagoo qofka uu arko in fikir yar ku soo dhacay ciqaabi jiray, haddii qof ka baxsanaya la helo waaba la dili jiri. Cabsidaasi ayaa kooxdii ku keentay inay iska dhex fadhiyaan ciqaabka iyadoo wax soo socda oo Qiyaame ahi jirin.

Ninkii waalida ku dhacday ee Rock markuu arkay in kaalintii Nebiga ee uu sheegtay ay hoos u dhcaday dadkuna ka daaleen, isla markaana uu fashil ku dhow yahay , Beenta qiyaamaha rumoobi weyday wax karaama ahana aanu tusin.   Waxa uu dadkii caamada aha uu sheegay in derjadii nebinimada uu ka dalacay oo uu gaadhay mid Ilaahnimo, oo xataa wax soo noolayn karo.!

Maalintaas ka dibna dadka waxa uu ku soo rogay culays , markuu ka shakiyay in ay ku qanci waayaan. Waxa uu u diiday in ay wada hadlaan isaga oo ka maqan, xataa guur iyo arrimo kale oo aan la samayn karin isaga oo aan raali ka ahayn. Waxa kale lagu khasbay in ay soo shaqeystaan ​​oo ay lacag u keenaan iyaga oo iibinaya Roodhiga iyo Macmacaanka.  Dadka aan lacag keenin, wax la marinayaa ciqaabta ugu daran, oo ay ka mid yihiin garaacis, karbaash iyo caalamadda iskutallaabta.

Dhanka kale, cabista khamriga ayuu aad u badiyay, taas oo sii xoojisay dareenkiisa waalida ah, waxaana ay  ku kaliftay inuu ku sameeyo naafeyn aad u xun adoomadiisa uu caqliga ka xaday.

Gabadh ka mid dumarkiisa waxa uu ka soo riday sideed ka mid ah ilkaheeda mid kalena faraha ayuu ka gooyay, taasi oo lagu magacaabi jiray “Gabrielle Lavalin”, xataa arrintu halkaa kumay dhammaan, ee markii dambe mid ka mid ah naasaheeda ayuu ka gooyay, ugu danabayntiina madaxa ayuu faash kaga jaray.! Iyadoo waxasi jiraan ayay haddana aaminsan yihiin, laakiin hadda waxa uu ku abuuray cabsi isagoo u sheegay haddii qof ka tago in halka uu joogo lagu dilo doono oo si fudud loo soo helayo….

Su’aasha hadda maskaxdaada ku soo dhacayaa waa : Maxaa dadkan ku qasbaya in ay ku sii nagaadaan meeshan faraha iyo gacmaha lagaga goynayo, la xadgudubyo isla markaana lagu dili karayo ee adoonsiga ah?!…