Addis-ababa(Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa warbixin toddobaadle ah oo ay ka soo saarto Geeska Afrika, waxa ay guul taariikhiya iyo tallaabo hore loogu qaaday horumarka mandaqada ku tilmaantay isfahamkii Isniintii toddobaadkii hore ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, Md. Muuse Biixi Cabdi Dr. Abiy Ahmed.
Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay intaas ku dartay in is-fahamkaasi uu yahay mid sii ballaadhinaya iskaashiga, dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, diblomaasiyadda iyo arrimaha millatariga iyo Ammaanka, waxayna ku sifeeyeen mid ka jawaabaya baahiyaha muhiimka ah ee labada dal leeyihiin.
Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya oo ka hadlaysay waxyaabaha ay u cuskatay isfahamkan ay la gashay JSL waxa ay tidhi “Somaliland waxay ahayd maxmiyadii Ingiriiska oo ay xornimadeeda ka qaadatay 26-kii June 1960-kii, waxa xusid mudan in xiligaas dalal badani ay siiyeen aqoonsi. Si kastaba ha ahaatee, shan maalmood ka dib isla sannadkaas Somaliland waxay si iskeed ah ula midowday Muqdisho oo xornimada ka qaadatay Talyaaniga. Somaliland waxa ay madax-bannaanideeda caddaysay mar kale sannadkii 1991kii, intii ka dambaysayna waxa ay muddo soddon sannadood ah taabbogelisay dimuqraadiyad iyo doorashooyin xidhiidh ah oo awoodda xukuumadda lagula kala wareegay.”
Waxa kaloo ay intaas ku dartay “Dalal Itoobiya ka mid tahay ayaa qunsuliyado ka furtay Hargeysa, inkastoo Somaliland aanay weli helin aqoonsi buuxa, hase yeeshee waxa ay saxeexday heshiisyo ay la gashay dalal kala duwan. Waxa hore u jiray is faham Itoobiya ay dekedda Berbera laga siiyay maalgashigeeda saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban, waxa kaloo jiray dhinacyo kale oo heshiiskaas dekedda ku lug lahaa oo caddaynaya inay Somaliland horeba u gashay heshiisyo, mana jirin wax cabasho ah oo laga keenay.”
Geesta kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa ay shirar kala duwan oo diblomaasiyadeed la yeelatay danjireyaasha caalamka u fadhiya Addis ababa oo ay u sharraxday ahmiyada is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya oo ay caddaysay inuu yahay mid ay ku jirto masaalixda Somaliland, Itoobiya iyo gobolka oo dhan.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u ogolaaday Itoobiya inay ka kirayso 20km oo marin baddeed saldhig millatari ah oo badda ah, iyadoo Itoobiyana noqon doonto dalka u horreeya ee aqoonsada qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland