Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Soo Gebo’gabaysay Shirkii Dib u eegista Waxqabadkii Sanadka 2023 iyo Qorshaynta 2024-ka

0
157

Qormada Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Todobaadkan ee Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo Gebo’gabaysay shirka dib-u-eegista waxqabadka sanadkii dhammaaday ee 2023 iyo qorshaha sanadka cusub ee 2024.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay magaalada Ceerigaabo uu uga socday Shirkii sannad laha ahaa ee dib u eegista waxqabadkii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee 2023 iyo qorshaynta sanadka 2024 ayaa maanta si rasmi ah looso gabogabeeyay .

Kulankan oo si dhaw loogu gorfaynayay waxyaabihii ka qabsoomay qorshayaashii kala duwanaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee sannadkii tagay waxyaabihii ka qabsoomay iyo waxyaabaha aan qabsoomin sababihii ay u qabsoomi waayeen, Sidoo kale waxaa mudadii uu kulankani socday wax layska waydiiyay Waxyaabaha ugu mudan ee ay tahay in la qabto sannadkan bilawga ah ee 2024.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo si rasmi ah usoo gabo-gabeeyay kulankan sidoo kalena ay Wehelinayaan Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Liiban Yuusuf Cismaan gaaxnuug iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Masuuliyiinta kala duwan ee Shirkan kasoo qayb-gelay kula dardaarmay inay Waxyaabihii kulankan lagu gaadhay weeleeyaan sidoo kalena Ku dabaqaan Shaqooyinkooda Iyo Barnaamijyadda Caafimaadka ee ka socda dhamaan goboloda iyo dagmooyinka dalka.

Gebo’gabada shirkan sanadlaha ah ayaa waxa la isla meel dhigay qorshaha waxqabad eek u aadan sanadka cusub ee 2024-ka iyo sidii wasaaradda Caafimaadka Somaliland awooda u saari lahayd arrimaha muhuumka u ah caafimaadka guud ee dalka iyo meelaha u baahan in kor loo qaado, sidoo kale intii shirku socday waxa aad wax la isaga waydiiyay waxyaabaha aan wasaaradda u qabsoomin sanadka tagey ee 2023-ka iyo waxa sababay in la gaadhi waayo ujeedadaasi.