Edna Aadan oo Shaacisay in Aanay JSL Gorgortan Cid na kala Gelayn Heshiiska ay la Gashay Itoobiya

0
112

Hargeysa(Dawan)- Ergayga gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa si adag ula garnaqsatay Soomaaliya oo ay ku tilmaantay dal siyaasadda ku fashilmay oo aaminsan dhallanteed la xidhiidha inay Somaliland ka mid tahay dalkeeda.

Marwo Edna Aadan waxa ay sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay ogolaansho uga qaadanayn Soomaaliya heshiiska ay la gashay dawladda Itoobiya.

Sidaasna waxay ku sheegtay warmurtiyeed ay soo saartay oo u qornaa sidan:- “Xafiiska ergayga gaarka ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu mar kale adkaynayaa madax-bannaanidii ay Somaliland ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26 June sannadkii 1960. Somaliland waxa ay si rasmi ah uga baxday midowgii lagu hungoobay ee Soomaaliya 18kii Bishii May sannadkii 1991kii, taariikhdaa wixii ka danbeeyayna Somaliland waxa ay ahayd dal jira oo madax bannaan.

Sidaa darteed, xafiiskani waxa uu si cad u beeninayaa sheegashada been abuurka ah ee ay Soomaaliya ku sheeganayso lnay Somaliland iyada ka mid tahay oo ay waliba sida guracan ee ay u fasireen heshiiskii is af-garad ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya si ay u marin ugu hesho badda, kaasoo aan waxba kaga duwanayn heshiisyada ay dalalka adduunku la galaan dalal kale.

Si ka duwan sheegashada Soomaaliya, Somaliland waxa ay heshiisyo joogto ah la gashay dalal badan iyada oo ah dal madax bannaan, waligeedna ma ay noqon gobol ka mid ah Somalia.

Mabda’aasina waa ka gundhiga u noqonaya dhammaan sagaalkii heshiis ee Somaliland la gashay Somalia, laga soo bilaabo shirkii u horreeyay ee laba geesoodka ahaa, ee ay martigalisay boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay iyo ra’iisul-wasaarihii dalkaasi ee wakhtigaa David Cameron. Wada hadalladaasoo dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladdii Ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee wakhtigaa joogtay June 20-21 2012.

Ergayga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sidoo kale doonayaa inuu halkan ku caddeeyo mawqifka Somaliland ee ku wajahan heshiisyadii lala galay Soomaaliya.

Iyada oo Somaliland si joogto ah uga qayb gashay wada hadalladaa, iyada oo ku niyadsan in xal loo helo khilaafka inoo dhexeeya iyo sidii loo yeelan lahaa Is-kaashi derisnimo oo wax ku ool ah isla markaana labada dhinac ba waxtar u ah. Balse waxa wax laga xumaado ah in Soomaaliya ay si joogto ah ugu fashilantay inay ka dhabayso ballanqaadyadii ay ka gashay heshiisyadaas, isla markaana aanay ixitraamin heshiisyadii ay si cad ula gashay Somaliland.

War-murtiyeedkan ayaa lagu bayaamiyay in Somaliland aanay wax oggolaansho ah uga baahnayn Soomaaliya si ay heshiisyo u gasho.

Somaliland waxa u sharaf ah inay heshiisyo ay xor u tahay kula jirto dalal badan oo Itoobiya ka mid tahay, iyada oo geesta kale heshiisyo caalami ah iyo kuwo laba geesood ahba gashay ka hor heshiiskan is af-garad ee ay hadda Itoobiya la gashay.

Heshiisyadaas oo mid ka mid ahina aanu ogolaansho uga baahan Soomaaliya.

33kii sanno ee u dambeeyay xaaladaha kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kala jireen ayaa adduunka wax badan u sheegaya. Somaliland waxa ay hirgalisay Dimuqraadiyad iyo doorashooyin, iyada oo noqotay dal lagu majeerto amni iyo xasillooni oo ku yaalla geeska Afrika., waxa aanay si habbon u maamushay arrimaheeda gudaha, maamulka dawladnimada iyo doorashooyinkaba iyada oo aan wax taageero ah ka helin beesha caalamka.

Dalkayaga iyo xeebihiisuba waxa ay ka caagan yihiin oo aan haba yaraatee waligii ka jirin budhcad badeed, iyo argagixiso.

Taa beddelkeedana Soomaaliya waxa ay illaa hadda si joogto ah ugu baahan tahay ciidamada nabad ilaalinta ee caalaamka si ay amnigooda u sugaan, iyada oo 33kii sanno ee u danbeeyay la daalaa dhacaysay amni darro, musuqmaasuq iyo argagixiso, iyada oo beesha caalamkuna ula baxeen magaca ah dalka siyaasadda ku fashilmay.

Sidaa awgeed, intii ay Soomaaliya ku mashquuli lahayd sheegasho qayrul sharci ah oo ay Somaliland ku sheegato oo caalamku ku tilmaamay mucjisada Afrika, waxa uga habboonaan lahayd inay ka shaqayso daneheeda gaarka ah iyo xasilinta dalkooda

Xaqiiqdii adduunyadu waa ay ka garwaaqsan tahay faraqa u dhexeeya labada dal, iyaga oo sidoo kalena ka dheregsan doorka ay Somaliland ku leedahay amniga iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika.

Iyada oo haddaba Somaliland aan marnaba gorgortan ka galayn inay difaacdo xaqa ay u leedahay inay gasho heshiisyo iyo xidhiidho caalami ah, haddana waxa naga go’an inaanu Soomaaliya la galno wada hadal toolmoon iyo inaanu u wada noolaanno sidii laba dal oo jaar ah.”