Somaliland oo Soo Bandhigtay In Ay Qaan-Gaadh ka Tahay Dhinaca Shuruucda Badda ee Lagu Dhaqayo Heshiiska Itoobiya

0
137

 

Garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax oo ka hadlay muhiimadda Heshiiska JSL iyo Itoobiya

 

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Guddida Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax, ayaa ka hadlay muhiimada uu u leeyahay labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya heshiiska Isfahan ee ay wada gaadheen.

Guddoomiyaha ayaa si qoto dheer ugaga warramay waraysi uu siiyay warbaahinta dawladda dhinaca shuruucda badda ee Somaliland iyo heshiiska is-fahamka ah ee ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya oo muddooyinkanba aad looga hadal hayay mandaqada Geeska iyo dunida caalamka inteeda kaleba.

Guddoomiyaha Gudidad Shuruucda oo faahfaahin ka bixinayay shuruucda dhinaca badda ee ay Somaliland lahaan jirtay iyo wakhtiga uu soo bilaabmay, waxaannu ka taariikheeyay in Maxmiyadii Somaliland ay lahayd xeerar dhinaca badda ah sannadihii 1904-tii ilaa 1905-tii.

“Waxa jiray xeerar badda lagu maamulo oo uu Ingiriisku sameeyay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Bulaxaar Regulation, Berbera Port Regulation iyo kuwo kale oo badan oo loogu talogalay in lagu maamulo dhinaca badda Somaliland,” ayuu yidhi Maxamuud Xuseen.

Garyaqaanku waxa kaloo uu sheegay in marka la eegayo shuruucda badda Somaliland ee Ingiriiska ka hor ay jireen xeerar iyo xadaarado ay lahaayeen dadka reer Somaliland kuwaasi oo lagu maamuli jiray badda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu mar kale ka hadlay wakhtii ay Somaliland xorinimada qaadatay kadib inay Somaliland isticmaalaysay xeerarka badda ee ay ka dhaxashay dawladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasi oo ah kuwo fac weyn oo soo jireen ah.

Gudoomiye Maxamuud Xuseen Faarax wuxuu intaas ku daray in 1960 ay Somaliland noqotay dal madax bannaan oo ay aqoonsadeen 35 dal oo ay ku jiraan dalalka hadda caalamka ugu awooda badan oo uu ka mid yahay Maraykanku, waxa uu Garyaqaanku xusay in dhambaaladii ay wakhtigaasi u soo direen Somaliland ay keydsan yihiin.

Garyaqaanku wuxuu iftiimiyay in 1960-kii ay jirtay dabayl ahayd in la raadiyo Soomaalidii, waxaanu sheegay in Somaliland oo ahayd dalwadda keliya ee gayiga Soomaaliyeed laga aqoonsaday oo aynu calankii la tagnay Koonfur kadib waxa halkaasi ka dhacay afduub, iyadoo labada dhinac ay ahaayeen kala qiyam. Waxaanu tilmaamay inay Somaliland ahayd xor, halka Koonfurta Soomaaliya ay ku hoos jirtay gumaysihii Talyaaniga.

Gudoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wakhtigaa xeerkii badda ee ay Somaliland lahayd ee ku sallaysanaa Saylac ilaa Ceelaayo in dib-u-habayn lagu sameeyay oo lagu soo daray ilaa badda Hindiya ee Soomaaliya.

Maxamuud Xuseen Faarax ayaa sheegay in Somaliland ay dib ula soo noqotay madax bannaanideedii 1991-kii, waxaanu xusay in sidoo kale ay xeerarkeedii badda iyo dhulkaba ay dib ula soo noqotay, wuxuuna ku dooday in aanay taasi fahamsanayn siyaasiyiinta Soomaaliya oo kaliya ay door bidayaan kaliya inay xaasidaan Somaliland iyo inay jeclaysanayaan in ay Somaliland mar kale hoos timaado, taasi oo uu caddeeyay in aanay marnaba suutagal ahayn in ay dhacdo.

Gudoomiye Maxamed wuxuu sharraxay in la soo noqoshada madax bannaanida Somaliland kadib ay Somaliland ku tallaabsatay hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Asxaabta badan iyo golayaasha sharci dejinta iyo nidaamka amniga iyo Doorashooyinka, waxaanu intaas ku daray in goleyaashii Baarlamaanku ay sameeyeen xeerar badan oo ay ku jireen maamulka badda iyo dekadaha.

Gudoomiyaha Guddida dib u habeynta Shuruucdu waxa uu guul weyn ku tilmaamay heshiiska taariikhiga ah ee ay wada gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya oo uu sheegay in fursado badan ay ugu jirto Somaliland, waxaanu xusay in dagaalo badan ay ku socdaan Somaliland loona baahan yahay in dhinac looga soo wada jeesto.

Waxa kaloo uu warbaahinta u soo jeediyay inay ka qayb galaan difaaca dhinaca dalkooda oo uu xusay in Soomaaliya ay adeegsanayso warbaahinta si loo wiiqo horumarka iyo jiritaanka Somaliland.