Qaybta Labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku eegi doonaa, sababaha keena garaac wadnaha oo khaldama, dhibaato intee le’eg ayuu qofka ku keenayaa haddii uu khaldamo garaaca wadnuhu, wadnaha shaqadiisii muxuu ka badelayaa, maxaa khatar caafimaad ku jirtay in wadhana qof aad u garaacmo, maxaa lagu dawayn karaa haddii uu kaa khaldamo garaaca wadnuhu, su,aalahan iyo su,aalo kale oo badan waxa aynu kaga jawaabaynaa inta aynu ku jirno Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan.
Garaaca wadnaha oo khaldama (Arrhythmia) waa xaalad saameyn ku yeelato heerka iyo laxanka garaaca wadnaha. Xaaladaan waxey dhacdaa marka fariimaha korontada ee haga garaaca wadnaha aysan si fiican u shaqeyn. Tani waxey sababeysaa in wadnaha uu u garaaco:
- Si dhakhsi badan (tachycardia)
- Si gaabis badan (bradycardia)
- Si ka horeysa sida caadiga ah (premature contruction)
- Si isku dhex yaacsan (fibrillation)
Ku dhawaad qof kasta wuxuu ugu yaraan hal jeer dareemaa laxanka garaaca wadnaha oo aan caadi aheyn. Waxaa laga yaabaa inaad dareentid in wadnaha uu saa’id u garaacayo ama garaaca uu ka badbadinayo. Garaaca wadnaha oo khaldama waa xaalad caan ah oo aan mararka qaar dhib laheyn, hasa yeeshe waa arin dhibaato soo jiidi karta. Marka xaaladaan ay farageliso qulqulka dhiiga ee jirka, waxay dhaawici kartaa maskaxda, sambabaha iyo xubna kale ee muhiimka ah. Hadii aan la daweyn garaaca wadnaha khaldan waxey noqon kartaa mid khatar ku ah nolosha qofka.
Sidee buu wadnaha u shaqeeyaa?
Garaaca wadnaha waxaa maamula unugyo khaas ah oo ku yaala atriyamka midigta, waxaana loo yaqaanaa SA Node waa halka ay ka bilaabato laxanka garaaca wadanaha. unugyadaan waxay sii daayaan koronto ugudbi karta unugyada kale ee dariska la ah, si dhamaan unugyada wadnaha ay korontadu si isla mid ah u wada gaarto. korontadaas ayaa dhexmarta dhamaan unugyada wadnaha, marka ay unugyada so gaarto koronta waa ay isku soo uruuraan, korontada waxaa loo soo daayaa si laxan leh.
Heerka garaaca wadnaha
Wadnaha dhalaanka wuxuu garaacaa 120 jeer daqiiqadi, heerkaan waa mid si tartiib ah hoos ugu soo dhaca ilaa qaan-gaadhnimada, xiligaas oo uu wadanaha garaaco inta u dhexeysa 60-100 jeer daqiiqadi, jimicsiga, dhaqdhaqaaqa, iyo shaqada dheefshiidkuba waxay saameyn ku leeyihiin garaaca wadnaha, inta ugu badan ee uu wadnaha bani aadamka garaaci karo ayaa ah 200 ilaa 220 jeer daqiiqadi.
Saameeya yaasha Wadnaha
Wadnaha waxaa saameyn ku leh nidaamka isxukuma ee maskaxda ee loo qeybiyo autonomic nervous system. Fariimaha maskaxda soo dirta ee ah iska caabinta ama ka cararidda khatarta ee loo yaqaano sympathetic nervous system ama fariimaha maskaxda soo deyso ee nasniinada iyo soo kabashada ee loo yaqaano parasympathetic nervous system.
Nidaamaka sympathetic wuxuu kor u qaadaa heerka garaaca wadnaha halka nidaamka parasympathetic uu hoos u dhigo garaaca wadnaha, parasympathetic la’aantiisa wadnaha wuxuu garaaci lahaa 100 jeer daqiiqaddi
Noocyada garaaca wadnaha khaldan
Noocyadaan waxaa lagu saleeyaa saddex qodob.
- Heerka (garaaca ma gaabinayaa mise wuu dhakhsanayaa)
- Khaladka meesha uu ka soo bilowdday (Ma atriumkaa mise ventricles ka)
- Garaaca ma mid joogta ahbaa mise waa mid isdhaaf dhaafsan
Maareynta garaaca wadnaha khaldama
Waxaa jira noocyo badan, in badan oo kamid ah na waa kuwo aan dhib laheyn, arintaan waa mid soo marto qof kasta, inta badana ma ahan arin si fudud looga warhayo in qofku uu qabo iyo in kale.
Waxaa arin caadi ah in wadnaha uu si dhaqsa ah u garaaco marka qofku uu sameynayo jimicsi. Orodyahana iyo dadka ciyaaraha ku shaqeysta gaaraca wadnahoodu wuu ka yar yahay dadka kale, sababtoo ah wadnahoodu wuxuu si fudud ku tuuri karaa dhiiga.
Qaar ka mid ah noocyada garaaca wadnaha khaldan waa kuwo halis ah. Mareyntooduna waxey ku xiran tahay nooca iyo darnaanshaha khaladka.
Hadii aad u maleyneysid inaad qabtid xaaladaan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad booqato dhakhtar, sababtoo ah noocyada khatarta ah waa kuwo inta badan la daweyn karo.