Wetfi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, oo Soo Kormeeray Baahiyaha Caafimaad ee Ka Jira Xeebta Gobolka Sanaag

0
66

Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadka Qormadeena Koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo soo kormeeraya xaaladda Caafimaad ee xeebaa gobolka Sanaag.

Maalintii shirku dhammaday hormoodka Wasaaradda sida wasiirka, wasiir-ku-xigeenka iyo agaasimaha guud oo ay weheliyaan inta badan agaasime-waaxeedyada wasaaraddu, waxa ay go’aansadeen in ay jidka dib-ugu-soo-laabashada Caasimadda u doortaan wadiiqo kale oo aan ahayn middii ay hore u soo mareen, kolkii ay caasimadda (Hargeysa) ka soo kicitimayeen, imaatinkoodii hore ee Gobolka Sanaag iyo Magaalada Ceerigaabo – oo ahaa jidka dheer ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo. Waxa aanay markan door-bideen masuuliyiinta wasaaradda iyo wefdigii la socday in ay u baydhaan oo dib u soo qaadaan jidka dheer, ee barbar-qaada ama dhereran xeebtaas goglan dhinaceeda.

Ujeedka ugu wayn ee masuuliyiintu jidkan u doorteen waxay ahayd in ay u kuurgalaan oo kormeer shaqo ku soo maraan deegaanka xeebta dhereran ee isku xidha magaalooyinka dekedaha leh ee Maydh iyo Berbera – oo isku jira masaafo ku dhow 350 KM.

Ugu horrayn weftigu markii ay ka bexeen magaalada Ceerigaabo,  waxay casar gaaban istaageen deegaanka Ceeldibbir, iyaga oo indho indheeyay baahiyaha caafimaad ee ka jira dhulkan buuralayda ah, sidoo kalena la kulmay dadka ku nool deegaankan, masuuliyiinta wasaaradda ayaa goob kasta oo ay maraan waxay masuulka wasaarada uga wakiilka ku amrayeen in uu soo gudbiyo baahi kasta oo ka maqan ama dheeraad ah ee la xidhiidha xogta ay weftigu qaadanayeen.

Intaa ka dib waxay u degeen magaalo xeebeedda Maydh, waxaana si heer sare ah u soo dhaweeyay bulshada halkaas ku nool iyaga oo bulshada deegaanka iyo hormuudkoodaba ka waraysanaya baahiyaha aasaasiga ah ee qabaan guud ahaan, si gaar ahna xaaladaha caafimaad iyo baahiyaha ee u baahan in si degdeg wax looga qabto.

Weftiga uu hoggaaminayo wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland, markii ay ka dhammaadeen magaalada Maydh waxay u kicitimeen deegaannada kale ee dhinaca galbeed kaga dhereran xeebta Gobolka Sanaag, waxaanay u gudbeen magaalada Xiis oo ay kula shireen bulshada, ballanqaad horumarineedna u sameeyeen, iyagoo mid mid si lama filaana ugu dul-istaagay, kana war-helay xaqiiqooyinka nololeed ee ka jira meelahan, si gaar ahna diiradda u saaray caafimaadka.

Deegaannada gobolkan ee ay mareen weftigu waxaa ka mid ahaa:, Daalo, Karin daalo, Godka, Xero-libaax ,Ceeldibbir, Mulaax-bayle iyo meelo kale oo ka mida gobolkan.

Intaa ka dib weftigii wasaaraddu waxay u gudbeen deegaanada gobolka Saaxil ee xeebta ku taxan kuwaas oo sidii hore si la mida ay uga xogwaraysteen baahiyaha caafimaad ee ka jira iyo guud ahaan waxyaalaha aasaaska u ah nolosha, waxaana ka mida ahaa deegaanada ay kormeereen:

Shalcaw iyagoo uga gudbay, Laas-muuse, ka dibna u dhaafay Ganbaxo iyo

Duurcil, intaa ka dibna maray deegannada

Karin, Laaqdheere, Gola-mudug  ugana sii gudbay deegaanada: Ceel-Daraad, Siyaara iyo deegaanka Ceel-Gerdi.

Waxa xusid mudan in dhammaan goobahan weftigu maray ay si isku mida uga xog-waraysteen bulshooyinka ku nool xaaladooda  nololeed, gaar ahaan caafimaadka.

Arrimaha xiisaha gaarka ah leh waxaa ka mida in deegaannadaas weftigu ay qaarkood ay guure ku xog waraysanayeen iyagoo fulinaya ujeeddada rasmiga ah ee safarkooda, iyaga oo si hubsiimo ku dheehan tahayna u diwaan gashanaya waxyaalaha ay la kulmaan, warbixinahaas oo lagu keydin doono, laguna xafidi doono nidaamka xogta ee wasaaradda.

Gabo gebadii safarkan oo ahaa mid adag, isla markaana qaatay in ka badan 24 saacadood oo isugu jira jarmaade, carraabe iyo guure habeenimo, sidoo kalena ay ku gedaanaayeen duruufo waddo-xumo oo qarfo, bataax iyo buuro la jibaaxayay ayaa goor saqbadh ah ay Weftigu safarakoodu kusoo khatimeen caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera habeennimadii sabtidi, isla saacado kooban ka dibna waxay u kallaheen dhinaca caasimadda, si ay halkaas uga bilaabaan shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.