WEEDHA WARGEYSKA Midnimo iyo Iskaashi Qaran Aynu ku Dhalino Rikoodhaha Aqoonsiga JSL

0
167

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaaday talaabo culus oo diblomaasiyaddeed oo ku saabsan Biyo-dhiijinta qadiyaddeena caalamiga ah, iyadoo duqaysay mid kamida albaabada aynu ka helayno Aqoonsiga ee qaarada Afrika, kaasoo ay hordhigtay mashruuc faa’ido laba geesood ah leh ama lagu tilmaami karo dan-isdhaafsi dhinac walba baahi u qabo.

Hawlgalka ku taxaluqa heshiiska Isfaham ee dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Reysalwasaaraha Dalka Itoobiya maaha arrin sahlan oo aynu salleelo iyo saxar-qaad ku sifayn karno, waxaana baaxadiisa iyo miisaankiisaba laga dhadhansanayaa heerka falcelineed ee laga bixiyey iyo sida uu u gilgilay dhamaan dalalkii iyo dawladdihii hortaagnaa qaddiyadeena madaxbanaanida iyo qaranimadeena, kuwaasoo ay ugu itaal iyo arrin liidato Soomaaliya.

Waxa aynu arkaynaa sida Bari iyo Galbeedba looga qaylinayo soo hadal-qaadkiisa iyo daah-furkiisa, iyadoo loo yeellayo midabyo taban oo kala duwan, loogu abtirinayo boqol magac, laguna xidhiidhinayo tobanaan utumood oo aan u dhaxayn Hargeysa iyo Addis Ababa ama Soomaalida oo dhan iyo Itoobiyaanka ilaa la gaadhsiinayo cadaawad caqiidiya. Kuwa doodda halkaas gaadhsiinayaa kama hadlayaan maslaxada Somaliland iyo maxaa u dan ah labada Dawladdood ee Hargeysa iyo Muqdisho ka dhisan ee ku kala noqday israacii hadimada keenay ee 1960-kii, balse waxa keliya oo ay muduci ku yihiin waddadan ay xukuumaddeenu u aragtay inaynu ku gaadhi karno ictiraafka.

Ololka iyo reenka mutaxan ee lagu metelayo ilaalinta Dhulka Soomaaliya ee Qaahira iyo Dooxa ka shidaal qaadanayaa maaha dacwad daacad laga yahay ee waa qorshe ka dhan ah aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland! Waayo? Haddii la danaynayo bad-qabka dhul Soomaaliyeed ama mid Islaam, waxa taamilo innoogu filan QAZA iyo Muqdisho oo ay mid waliba dhibane u tahay duulaan iyo faro-gelin shisheeye. Maxay kuwaa ugu talin waayeen? Mida kale haddiiba uu aqoonsi-raadisku innala maray meel aanay masaaliixdeenu ku saalloonayn oo ay miciin iyo walaalnimada aynu u tirsanaa innaga dhaxayso maxay iyagu ugu dhawaaqi waayeen Ictiraafka si ay innooga baajiyaan in aan sii hayno dariiqan? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gacani waa Nin leh u go’do ee sow lama gudboona inay iyagu ka badheedhaan aqbaalada qadiyadda JSL? Muxuu ururka Jaamacadda Carabta ee la sheegaa shirkii uu ku cambaareynayey Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ugu aqoonsan waayey Qaranka Somaliland ee ka dhisan Geeska Afrika si xaaladu weji kale u yeellato? Waxay ahayd talaabo u furan oo ay yeelli karayeen, hase yeeshee xaqiiqaddu waxay tahay waxa ay difaacayaan daacad kama aha, mana doonayaan inay Dawlad Islaam ah oo la ictiraafsan yahay ka dhalato mandaqadan. Sidoo kalena xaasid mooyee xaqsin uma bisla.

Sidaasi awgeed Shacbiga iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa la gudboon inaynu midnimo iyo dan-garasho ku waajahno mowjadaha siyaasaddeed ee falkinayaan cadowgeenu, waxaana sidoo kale haboon goolaaftanka iyo gooli-baadhka socda ee ay samaynayaan kuwa diidmada kala hor-yimi Heshiiska inna dhex maray Itoobiya inaynu ka barano cashar mug leh oo aynu ku kala ogaannayno Cadowga iyo nasteexa Jamhuuriyadda Somaliland si aanay mustaqbalka dhow marka aynu qayb ka noqono goleyaasha adduunku ku kulmo isagaga keen eekaan saaxiibkeena maalmahan adag inna jira iyo gocorka gondaha innaga turqaya ee doonaya inaynaan talaabo hore u qaadin, kuwaasoo aynu mid waliba wuxuu inna gashaday ku soori doono guusha dabadeed haddii alle ka dhigo.

Waxa kale oo muhiim ah in aanay falcelinta nacabku inna samaynin oo aanay innaga leexin jidka aynu hayno iyo dhacsiinta jaraha diblomaasiyaddeed ee innoo taagan oo ah mid u baahan baaraan-deg iyo balaysin-dhig togan. Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland dhamaystirka heshiiskani ugama baahna muran iyo yooyootan. Sidoo kalena kuma qumana laab-la-kac iyo qaylo-farxaddeed, waxayse u baahan tahay talo-wadaag, tu’in iyo tuujimo sararreed oo ay sameeyaan goleyaasha Dawladda ee shacbiga metelaa, gaar ahaan xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci-dejinta oo ay dumaddooda saaran tahay ilaalinta dastuurka iyo masiirka Umaddu. Shacbigu waa in uu amminnaad iyo u dhug-yeellasho bilaa gujo-gujayn ah kaga qayb-qaataa qadiyaddaasi. Ugu dambeyn aqoonyahanka iyo indheer-garadka Somaliland, gaar ahaan dadka ku takhasusay shuruucda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waa in aanay arrimahan daawade ka noqon, sidoo kalena ku jahawareerin dabeylaha diblomaasiyaddeed ee dibada innaga imanaya, balse waxa ku waajib ah inay fikrad iyo faslado sharci ku taakuleeyaan hay’addaha Qaranka ee hawsha gacanta ku haya. Ugu dambeyn Midnimo iyo Iskaashi Qaran aynu ku dhalino Rikoodhaha Aqoonsiga JSL ee innoo taagan.