Madaxweynaha DDS oo soo Dhaweeyay Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

0
113

Jigjiga (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa soo dhaweeyay heshiiska is afgarad ee dhinaca badda, kaas oo horaantii bishan ku dhex maray Addis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay in loo baahan yahay dekad uu dalku isticmaalo, isagoo dhinaca kale soo dhaweeyay heshiiskaas is afgarad ee toddobaad ka hor wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in dalka Itoobiya uu dadkiisu qiyaastii ka badan yihiin 120 milyan oo qof uu ku tiirsan yahay dekadaha dalalka deriska la ah Itoobiya, isagoo sheegay in heshiiskan is afgarad uu faa’iido u leeyahay dalka Itoobiya gaar ahaana degaanka Soomaalida, oo kamid ah dalka Itoobiya uu faa’iido gaar ah u leeyahay maadaama xoolaha u badan degaanka laga dhoofiyo.

Waxaanu yidh. “Itoobiya waa dal ay kunool yihiin 120 Milyen dad ka badan, inta badana ku tiirsan dalalka jaarka dekedahooda, in uu wax dhoofiyo ama la soo dego, deked uu isticmaalo dalku iyo saldhig milateri oo danaha siyaasadeed iyo istaaratiijiyadeed ee badda cas uu ku ilaalashado waa wax faa’ido badan u leh dalka.

Degaanka Soomaalidu maadama uu dalka ka tirsan yahay wixii faa’ido ah uu yimaada waxa uu noqonaya ka u horeeya, maadama xidhiidhkeena dhaqaale ku xidhan yahay ciddda aynu hadda la galnay heshiiska”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale aheegay in heshiiskani dhinaca badda ah ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland aanu cid gaar ah duulaan ku ahayn, balse uu yahay kaliya iyadoo heshiis lagu yahay in la kala faa’iidaysto oo la is dhaafsado dhaqaalaha iyo wixii khayraad ah, isagoo xusay in heahiiskani uu faa’iido weyn u leeyahay labada dhinac ee heshiiska wada galay.

Waxaanu yidhi. “Ujeedadu maaha in cid gaar ah duulan lagu yahay balse waa in la kala faa’ideysto, waa iskaashi iyo wax isweydaarsi, marka waxaan qaba labada dhinacba in uu faa’ido fara badan u leeyahay, cidda ka faa’ideysana waa bulshada DDS iyo ta Itoobiyaba, maanta waxa aynu u baahanahay in dhaqaalaheena aynu kordhino.

Faa’ido dhaqaale oo balaadhan ayuu heshiiskani u leeyahay dalka, cida aynu heshiiska la galnayna waa cid danaheeda dhaqaale ilaashanaysa oo faa’ido ka helaysa”.