Maya Mar Kale Qaldaan Noqon Maayo!” Xuseen (Deyr)

0
91

Qiimaha ay leeyihiin Xorriyada iyo Qarannimadu waxa garan kara laba ummadood (laba shacab), oo leh taariikho iyo duruufo nololeed oo kala duwan.

(1) Ummadda koowaad waxa weeyi ummad aan iyagu weligood Xor noqonin oo weli ku jira gumaysi, laguna hayo cadaadis iyo cidhib-tir joogto ah, sida ummadda geesiyada ah ee Reer Falastiin oo kale.

Shacabka Reer Falastiin, muddo 76 sano ah ayey baadi goob dheer ugu jireen in ay helaan Xorriyad, Calan iyo Qaran madax bannaan oo ay mahadiyaan. Laakiin, nasiib darro waxa uga dhaartay cadowyada is barkan ee Sahyuunidaha Carbeed (Arab Zionists) iyo Sahyuunidda Yuhuudda (Jewish Zionists).

(2) Ummadda labaadna waxa weeyi ummad iyagu qaatay Xorriyad buuxda, noqdayna Qaran madax bannaan oo dunida laga aqoonsan yahay; laakiin Qarannimadii ay heleen si deg deg ah oo dhib yar u lumiyey, una hibeeyey dareen, damqasho iyo baadi-goob midnimo Soomaaliyeed oo aan cidi la qabin, balse iyaga uun ku koobnayd oo dhinaca kuwii ay la midoobeen ka ahayd qiiro been ah (fake sentiment); waana sida ummadda Reer Somaliland oo kale.

Ummadda reer Somaliland, muddo 64 sano kadib weli waxay la il daran yihiin cawaaqib xumadii ka dhalatay qaladkii taariikhiga ahaa ee ay sida dhibta yar leh uga galeen Xorriyadii iyo Qarannimadii ay heleen.

KU WAAYO QAADO TAARIIKHDA:

Ummaduhu wax bay ka bartaan khaladka taariikhiga ah ee ay galaan iyo dhacdooyinka qadhaadh ee soo mara. Nasiib darro waxa muuqata in ummadda Somaliland (shacab iyo madaxba) aynaan weli waxba ka baranin qaladkii aynu ka galnay Xorriyadii aynu qaadanay iyo in aynu ahaano Qaran madax bannaan oo iskii u taagan.

Fudaydkii ay ummadda Somaliland ku il-duufeen Qarannimadii ay heleen waxaa loogu bixiyey magac bahdilaad ahaa oo muujinayey in aan lala qabin dareenka Soomaalinimo ee iyaga ku kalifay in ay wareejiyaan calankii ay heleen: SOOMAALI QALDAAN wuxuu ahaa magac caan baxay oo loo yaqaanay dadka Reer Woqooyiga (Somaliland).

Ogsoonow, gumaysiga ugu xumi waxa weeyi ka aad isku magac iyo muuqaba tihiin, laakiin si kasta u diidan horumarkaaga iyo in ay wax kuu soo kordhaan. Xumaanta, xaasidnimada iyo hurinta colaadaha ku wajahan Shacabka Reer Somaliland ee ay gadh-wadeenka ka yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkiisa Fiqi, waa kuwo horseed u ah dib u soo curashada gumaysigii reer Koonfureedka ee ay ummadda Somaliland iska xoreeyeen 34 sano ka hor, kaasoo la doonayo in lagu masaxo wax kasta oo ay ummadda Somaliland qabsadeen 33-kii sano ee ugu dambeeyey.

HADDAAN BERI QALDAAN AHAA , HAATAN QUMANAA LAYIDHAA!

La soco Qaybta 2-aad:

MAYA MAR KALE QALDAAN NOQON MAAYO!!