Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay in Somaliand loo Quudhiwaayey inay Noqoto Qaran Madax-bannaan

0
126

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyigelinta jamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa warbaahinta dalka gaar ahaana kuwa dawlada ugu baaqay in ay kaalintoodda ka qaataan weerarka dhinaca saxaafadda ee qaranka lagu soo qaaday.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in weerarka waayadan danbe lagu soo qaaday jamhuuriyadda Somaliland inuu u badan yahay dhinaca saxaafadda ama warbaahinta, kaas oo ah Hadal, Baalo-xoofto, iyo is-xayd-xayd. Waxaanu Sheegay in Somaliand loo quudhi-waayey inay noqoto qaran madax-bannaan.

Sidaas darteedna in warbaahinta qaranka Somaliland looga baahan yahay in ay kaalintoodda ka qaataan sidii ay qarankooda uga difaaci lahaayeen weerarka dhinaca saxaafadda ee ay qolooyinka Xamar, iyo cadawga kala duwani inagu soo qaadaan.

Wasiir Cali-mareexaan, waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad lagu abaal-marinayay shaqaalihii waaxyaha wasaaradda Warfaafinta ee dedaalka, iyo hawl-karnimadda sameeyay sannadkii tegay ee 2003-kii, kuwaas oo laga soo kala xulay waaxyaha kala gedisan ee wasaaradaasi.

Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), waxa uu tilmaamay in warbaahinta dawladda ee Somaliland looga baahan yahay in ay muujiyeen kaalintoodda difaac ee qaranka, isla markaana haddii ay cadowga ina soo weeraray Waddo mariyeen in ay qarankoodii u hiiliyeen.

Haddii se aanay arrinta difaaca dhinaca saxafaadda ee qaranimadda warbaahinta dawladu kaalintoodda ka qaadan oo lagaga dheereeyo in canaanta iyo dhaliishuba ay dusha ka fuulayaan warbaahinta dawladda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waad la socotaan imika, oo hawlo badan baa dalkeena ku soo kordhay. Weeraro badan ayaana la inagu soo qaaday. Weerarkaa la inagu soo qaadayna wuxuu u badan yahay, Hadal, iyo Baalo-xoofto, iyo is-xayd-xayd. Markaa dagaalkan imika inagu socdaa waa keenii, waana shaqadeenii.

Haddii aynu doonayno in aynu qaranka difaacno, oo haddii in aynu dadkaa ina soo weeraray Waddo tusno, qarankeenii ayaynu u hiilinay. Shaqaale wasaarad Warfaafin ahaan wax badan baynu dalka, iyo dadkaba si weyn baynu uga difaaci karnaa. Markaa hawsha halkaa ka sii laban laaba”.

wasiirka Cali-mareexaan, ayaa ku adkeeyay shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta in ay muujiyaan in ay ku qanacsan yihiin shaqadoodda, balse haddii uu qofku ka faano, ama iska wayneeyo, ama uu muujiyo in aanu ku qanacsanayn shaqadiisa in aanu guul gaadhaynin.

Geesta kale shaqaalaha la abaalmariyay ayuu ku bogaadiyay dedaalka ay ka sameeyeen shaqooyinkii ay wasaaradda u hayeen, waxaanu kula dar-daarmay in ay halkaa dedaalkoodda ka sii wadaan.

Waxaanu shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta faray in ay dareensanaadaan kaalinta ay ugu jiraan qaranka, iyo bulshadda ee la xidhiidha shaqadda muhiimada leh oo ah in ay bulshadda ka haqab tiraan masuuliyadooda ah wargelinta, madadaalinta, waxbarista.