Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kormeer Hawleed ku Tagay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland

0
105

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay kormeer ku tagey Taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku marku uu gaadhay taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku soo dhaweeyay xarunta taliska taliyaha ciidanka Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale.

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa wasiirka siiyay warbixin dheer oo la xidhiidha hawlaha hawl socodsiinta ciidamada ilaalada xeebuhu Qaranka u hayaan, kuwaas oo habeen iyo maalin heegan u ah ilaalada baddaha Somaliland.

Gaba-gabadii wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL ayaa faray Ciidanka Ilaalada Xeebaha in ay laba laabaan shaqada ay Qaranka u hayaan, isla markaana xoojiyaan ammaanka Xeebaha JSL, waxaanu ciidanka ku ammaanay dadaalkooda muuqda.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed uu sidan oo kale kormeer ugu tagey taliska guud ee ciidanka laanta socdaalka Somaliland.