Kulan laga Yeeshay Tayaynta Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare

0
144

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa   waxay kulan la yeelatay Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha dalka iyo Xafiiska imtixaanadka waxaana lagu lafa-guray tayayta Imtixaanka iyo horumarinta Waxbarashada dalka, gaar ahaan imtixaanka fasaladda  dugsiga sare , kaas oo sanadkan ardaydu ku gelidoonan xarumaha Jaamacadaha dalka, iyagoo   qayb ka noqon doona tayayta ilaalinta imtixaanaadka.

Kulankan waxaa furay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL Dr. Axmed Aaden Buuxane , oo uu weheliyo Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada    Dr. Maxamuud yuusuf Cilmi.

Kulankan lagaga tashanayay tayaynta imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dugsiyada sarre waxa ka soo qayb galay,   Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Camuud,  Jaamacadda Burco, Jaamacadda Sanaag, Jaamacadda Adna Aadan, Jaamacadda Tima-cadde, Jaamacadda Badda Berbera, Jaamacadda barashada beeraha iyo xoolaha ee Sheekh, Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda ( CSI ), Kuuliyadda Tababarka Macalimiinta.

Kulankan waxa iba-furay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, kuna adkeeyay masuuliyiinta jaamacadaha dalka inay qayb weyn ka qaataan tayaynta imtixaanka shahaadiga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL Dr. Sacad Cali Shire oo kulankan ka hadlay ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacadaha dalka ku boggaadiyey tayaynta iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Gunaanadkii kulankaas waxaa soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Dr. Ahmed Aadan Buuxane, Wasiirka ayaa u mahad celiyey Gudoomiyayaasha Jaamacadaha, Guddida Waxbarashada Qaranka iyo masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka Qaranka, sida fiican ee ay uga qayb qaateen intii kulanku socday.