Xidhiidhka Biyaha Iyo Caafimaadka

0
99

Maskaxda ayaa lagu qiyaasay in 80% ay ka kooban tahay biyo sidaas darteedna haddii qofku uu istcmaalo cabista biyaha badan waxay dhiirigelinaysa shaqada maskaxda. Waxa kale oo ay biyaha badani ka caawinayaan kana hortgeyaan xanunada masaxada ku dhaca eeย  qaliinka ย keena. Dhakaahtiirta cilmi baadhistan sameeyay ayaa ku taliyay in ugu yaraan maalintii la cabo laba litir oo biyo ah.

Waxa kale oo maskaxda saamayn toos ah ku leh cuntada uu qofku qaato, kuwaasi oo hawlqabadka maskaxda caawinaya.

 

Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxadaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyo hawlqabadkeeda.

Cunto dheelitiran ayaa ah ta lagula taliyo dadka, waxase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu lehย  shaqada maskaxada kuwaasiย  oo loo yaqaano cuntada maskaxada, sida Kaluunka gaar ahaan noocyada Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos, dhamaan Khudaarta kala duwan.