Hargeysa (Dawan)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay kulan lagu xoojinayo amniga la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka.
Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka ayaa
ujeedadiisu ahayd xoojinta Amniga guud ee Xududaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland,waxaana Guddoomiyeyaasha Gobaladu Wasiirka warbixin ka siiyeen nabedgalyada Gobolada Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa faray Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka adkaynta amniga Xuduudaha Dalka, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland Xuduud dheer la leedahay Wadamada Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaliya. Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil.