Xikmadaha

0
108
  • Haddii gabadha kalsoonida leh uu guursado ninka dadka ugu xumi waxba kama bedeli Akhlaaqda, daacadimada iyo sida ay Allah (sw) ugu xidhan tahay. Waayo Fircoon oo ahaa nin shar badan oo gaadhay inuu Ilaahnimo sheegto, waxa xaaskiisa ahayd Aasiya, oo Allah Quraanka ku xusay wanaageeda.

 

  • Nebi Luud (cs) waxa uu isagana xaaskiisa ahayd gabadh shar badan oo iyadana Quraanku xumaanteeda ka warmay.
  • Akhlaaqda Wanaagsan, Daacadnimada, Aaminaada iyo inaad Allah raali geliso ayaa ah arimo qaali ah oo qofka muujiya wanaagiisa.

 

  • Haddii qofka dadka ugu magac, maamus iyo maal badan uu gabadha guursado ma siin karo Farxad iyo Guul hadaanad Allah isku xidhin. Ujeedada noloshaadu hano qoto mid qiimo ku leh bulshada dhexdeeda.Hinaasuhuna wa cudur ee iska ilaali.
  • Gabadha caqliga badani ma hinaasto, waayo hadday hinaasto waxay qiranaysaa inay jirto gabadh iyada ka qurux badan